Dhayalsiga Halista Aan Somalidu Dhaadnayn

Dhayalsiga Halista Aan  Somalidu Dhaadnayn 

Shacabka somaliyeed waa kuwo  masiibo kasta oo xag rabi ka timaada qoraalkeeda aaminsan oo diinteena suuban ayaa in faraysa in aynu wax kasta oo guudka dunida ka dhacay ogaano in ay tahay qoraal rabi  waxse aan marnaba laga tegi karin wax kasta oo dhacay in ay leeyihiin sifo lagaga hortegi karo  hadii aanu rabi kugu sababayn.
Tan iyo bilowgii sanadkan 2020 waxa dunida mar keliya saamayn baahsan ku yeeshay caabuqa dunida curyaamiyey kaas oo la sheegay in uu ka soo bilaabmay cidhifka Aasiya goobta ugu dadka badan dunida Shiinaha, dawlladaha reer galbeed waxay u arkayaan  halista in ay tahay masiibo midii ugu darnayd ee qarankan soo marta dunida waxay kale oo uu warbaahinta dunida isha muqaal qaadista ku weeciyeen dhawaqa iyo qaylo dhaanta dunidu isku hoobstay saxaafada  dunida qaybteeda qoraalkuna waxay dharaar  kasta  bogaga ay kaga faaloon jireen arrimaha siyaasadda iyo dagaalada dunida u rogeen in uu sawirka ugu horeya ee la kala hororsanayaa yahay midka maanta dunidu u qirtay masiibadii qarniga 
Afrika oo dunidu u aragto in ay tahay  meelaha ugu liidata daryeeel caafimaad iyo mid dhaqaaleba waxay werwer iyo cabsi ka qabaan hadii uu ku faafo safmareenkani in ay noqon karto qaarada uu sal dhigan karo , 
Afrika dedaalkeedu ma yara haba u kala dheereyeen wadamada afrika siday u kala ilbaxsan yihiine hadana geeska afrika meelaha uu ka soo galay caabuqani ayaa ah itoobiya iyo kenya oo labada wadanba uu saamayn ku yeeshay walow ay jiraan dedaalo  ay samaynayaa xukuumadaha Adis-abab iyo Nairobi 
Somaliya oo iyaduna saldhiga udub dhexaad u ah Geeska afrika  Kenya iyo Itoobiyana xuduud  dhuleed la leh ayuu soo gaadhay caabuqani inkastoo wasaaradda shaqada ku leh  ay shaaca ka qaaday in uu dalka dibadiisa ka yimaadeen dadka xilgaa looga shakisanaa astaamaha caabuqa   dedaalka lagaga hor tegaayo safmareenka halista badan ayay bilaabeen xukuumadaha iyo maamulada Degaanada Somalidu, inkastoo bulshada somaliyeed u haystaan sheeko malaaw lagu raadinayo dhaqaale . waxay dhayalsadeen oo ay dhalanteed u qaateen nooc kasta oo yeedhamo fariin side lagu gaadhsiin karayey  is xakamaynta karoonaha 

Maxaa Ina la Gudboon ?

Ingaoo og heerka somalidu ka taagan tahay dhaqaale,wax soo-asaar,tayo caafimaad iyo mid horumarba  shacabkeena somaliyeed waxa la gudboon in ay qaataan fariimaha wasaaradda caafimadku gaadhsiinayaa  ee la xidhiidhka fejigananta in laga muujiyo isla markaana la qaato talooyinka ay bixinayaan dhakhaatiirtu waa in aynan dhalanteed iyo waxaan jirin u arag fariimaha maqal,muqaal iyo qoraalba ee ay inala wadaagayaan bahda caafimaadku.

By Aadan Caydiid 

Yariisowmedia71@gmail.com  

Advertisement

Ku Xayeysiiso