Degdeg: 33 jir Eritariyaanad ah Tiha Tekle oo ninkeedu ku dilay Magaalada Trondheim Ee Dalka Norway .. Marxuumadu 4 caruur ah ayey ka tagtay

Waa Tiha Tekle Kiflay, oo 33 jir ah, oo mayd laga helay Trolla oo ku taal Trondheim salaasadii. Sida laga soo xigtay booliska oo shaaciyey magaca iyo sawirka qofka dhintay iyagoo Wada  tashanaya la sameeyey qoyska Marxuumada.

Ninkeeda Ayaa loo qabtay Dilkan Taasoo lagu eedeeyay in uu  dilay Tiha Tekle. Dambiga ayaanuu qiran Eedaysanuhu.

33 jirkan ayaa ka tagay afar caruur ah oo da ‘yar. Waxay asal ahaan ka timid Eritrea waxayna Norwey u timid magangalyo doon sanadkii 2011.

Kiiska dilka  ahaa ayaa loo diyaarinayaa in lagu hayo maxkamadda degmada Sør-Trøndelag si looga hadlo maanta oo khamiis ah 12:00.

Sources: VG

Advertisement

Ku Xayeysiiso