Midnimo sida loo bi,iyey iyo sida loo baadigoobi karo(1)

Waxaan baraha bulshada maalmahanba ka dhoganayey doodo iska soo horjeeda oo ku saabsan midnimadii soomaaliya sidii dib loogu unki lahaa, waanan ka dheehday doodahaa in dadbadan oo arintaa isku maan dhaafay ay inta badan moogan yihiin amaba ka il duufayaan xaqiiqooyin ka horreeya intaan midnimo soomaaliyeed dib loo anba qaadin ,maqaalkana waxaan ku lafa guri doonaa xaqiiqooyinkaa aan u arkaayo in aan laga boodi karin lagana tallaabsan karin hadii ladoonayo midnimo macna samaynkarta in aasaaska loo dhigo .
– Maxaa midnimadii hore galaaftay ?
Su,aasha mudan in aynu in badan baadho oo daraasaad badan ku sameyno waxay tahay horta intaynaan marlabaad midnimo u hanqal-taagin maxaa tii hore ee aynu samaynay ku dhacay ? maxaa inay burburto sababay ?
Waxay ila tahay iyadoo aan la fahmin halka taariikhdii hore ee midnimadu ka khaldanayd iyo halka dadkii ummada hoggaanka u hayey ka wiiqeen midnimadaa in aanay mid labaad oo la sameeyaa aany dhaameynin taa hore ee ay raacayso isla tubtii taahore martay kuna danbaynayso bur bur iyo baaba. Hadaba hadaan waxyar ka idhaahdo waxa ku dhacay midnimadaa hore siday aniga ila tahay waxay ahayd :
– Muwaadinkii oo karaamadiisii, xorriyadiisii iyo xuquuqdiisiiba lagu tuntay
Wuxuu muwaadinkii soomaaliyeed ku waayey , qofkii soomaaliga ahaa wuxuu is arkay isagoo dadka ugu neceb dawladiisa ,ciidankiisii qalabka sideyna uga baqaaya sida cadawgiisa, hay adihii nabad sugidana u arka halis isaga uun ciqaabtiisa iyo cadaabtiisa u samaysan , wuxuu arkay in aanu dalkan waxba ka ahayn oo aanu waxba ku lahayn .dareenkaasina wuxuu dheliyey in muwaadinkii soomaaliyeed uu dawladiisii la sugo jaaniskasta oo uu ku burburinkaro ,waxaana taa inoo muujinaya sida dadkii soomaaliyeed ay jamhuuriyadii soomaaliya min daraf ilaadaraf ay wixii ay gacantoodu haleeshaba u burburiyeen ,waayo umuu arkayn wax uu isagu leeyahay ee wuxuu u arkaayey in balaayadii cabudhinaysay ee ciqaabaysay ay lahayd markaa si cadho iyo ciil ku jiro ayuu u burburiyey dalkiisii.
Waan ogahay in qaar ku andacoon doonaan qabiilbaa sabab u ahaa iyo wax lamida ,haa qabiilku qaybuu ka ahaa oo markii dawladii uu qabiilka kaga maarmi lahaa ay noqotay Yey iyo Yaxaasyo eryanaysa ayuu qabiilka gabbood uu kaga badbaado ka dhigtay ,laakiin hadii dawlad caddalad iyo ixtiraam muwaadiniinta ku dhaqaysa ay jiri lahayd oo dulmiga uu ka hoos geli lahaa may dhacdeenba in qabiilku dib u soo noolaado.
– Dawladii oo dagaal la gashay muwaadiniinteedii
Sida ka dhacday Somali land waxaa taliskii Siyaadbarre dagaal lagalay muwaadiniintiisii ,waxaa uu u adeegsaday ciidankii difaaci lahaa iyaga , waxaan marar badan maqlaa SNM ayaa cadawga soomaaliyeed soo kaxaysatay oo dalka burburisay taasi waa majaro habaabin ummada xaqiiqada laga indha saabayo ,waxaa lawada ogyahay in Siyaad barre uu yahay ninkii Mingiste kula heshiiyey in SNM uu u soo gacan geliyo , heshiiskaas oo ahaa mid khatar weyn ku ahaa dadka reer Somaliland hadii uu fuli lahaa, waxaana qodobada halista ah kamid ahaa : in aaga qabaa,ilka SNM taageeraa ay degaan laga dhigo lamadegaan laga raro daka oo laga burburiyo tuulooyinka halkaa ku yaal , sababta keentay in ay SNM soo dedejiso dagaalka oo magaalooyinka soogashana taasay ahayd , markaa cida xabashida adeegsanaysay Siyaad Barre ayuu ahaa ee damacday in dhaqdhaqaaqii SNM iyo cida taageertaba kaga aar goosato, sidaa aawadeed midnimadii bohol ayey kusii dhacday marka la eego dhinaca Somaliland, sidaasoo ay tahay SNM weli fikradeedii midnimada ahayd ayey ku dagaalamysay oo waxay dooneysey in ay somaliya oo dhan ka xoreyso taliskaa macangaga ah . Waxaa iyana maalmahan danbbe aan baraha bulshada ku arkaa rag waaweyn oo hadal ay ka muuqato inay isku deyayaan inay daah saaraan dulmigii dhacay kaga tiraabay braha bulshada iyagoo leh SNM ayaa dalka burburisay oo dadka ku dhex dhuumatay , ciidamadana kasoo dhex rasaasaysay , waa hadal laga maadaysto runtii waxaanan doodaa ku afwaajinaynaa oo ku afjaraynaa su aashan ; haday dadku ciidamada u arkayeen ciidamadoodii oo difaacooda iyo daryeelkooda u taagan maxay SNM gabbood u siiyeen amaba ay ciidamada uga yaaceen ee ay SNM gabbood uga dhigteen?! waxaana hubaala in aadamigu ciduu badbaado kahelayo gabbod ka dhigto cidii naftiisa uu uga baqayana ka firdhanayo ,hadaba markay arintu sidaa tahay ee shacabkiiba ku diidanyahay miyaad wada masaxaysaa oo baabiinaysaa mise xalkale ayaad la imanaysaa oo illayn arintu dagaal sokeeye oo ahliaya ayey isu bedeshaye nabad iyo waan waanbaad geleysaa ?
– Koonfurt oo dawlad aan laga tashan ku dhawaaqday
Markii jabhadii SNM ay ku guuleysatay in ay badi goboladii waqooyi qabsato nidaamkii iyo kala danbbayntiina sooceliso, jabhadihii UNC iyo SPM-na koonfurta inta badan ay k gacanta ku qabteen, ayaa waxaa dhacay in wax lama filaan ah ay ku talaabsadaan walaalaha koonfurtu oo ah in 1991 ku dhawaaqaan dawlad ay sameeyeen rag ka dhex toosay jabhadihii dagaalamayey, ama gacansaar ha lahaadaan taliskii Siyaad barre amaba ajaanibi dabada haka wada,e ,sida aan qabo halaka burburka soomaalidu ka bilaabmay halkaasay ahad ,manay ahayn jabhadihii ka soo hor jeestay taliskii milareriga ahaa ,waayo aduunkoo dhan way kadhacdaa in dawlada jirta jabhado ridaan oo hadana dawlad qaran ay dib u dhisaan ,hasa yeeshee waxa ka dhacay soomaaliya waxay ahayd mu,aamarad aan aamin sanay in aanu ajanebi kamadhnayn oo soomaaliya lala rabay halka ay maanta taalo . marka arintaasi dhacday ayey dadkii SNM taageeerayaasheeda ahaa iyo madaxdii SNM oo dadku khasbayaan isugu yimaadeen Burco oo ay ka dalbeen madxdii in lagu dhawaaqo jamhuriyada somalind , marka xaqiiqadu sidaa tahay waxaan qabaa koonfur ayaa goosatay oo dawladeedii samaysatay somalilandna tubta keliya ee u furnayd waxay ahayd in ay iyana teeda samaysato , waan ogahay in dadka qaar ku doodi doonaan dawladaa waagaa muqdisho lagaga dhawaaqay waa loo dhammaa oo koonfur uun may ahayn, waa run laakiin yaa siiyey awooda ay dawelad ku soo dhisayaan ? yaa u igmaday inay jabhadihii dalka nidaamka iyo kala danbbaynt ku soo celin lahaa ay iska hortaagaan oo ay sababaan dagaalkii ugu xumaa ee Muqdisho ka dhaca, iyo kala qaybsankii ummada soomaaliyeed ugu darraa ee ummada soomaaliyeed kala irdheeya ee illaa hada maaro loo la, yahay ? waxaan aaminsanahay in hadii cid lagu eedaynayo inay soomaaliya burburisay ay tahay kooxdaa aan mucaaradkii iyo muxaafidkii midna ahayn ee sida bambbada lagu soo dhextuuray ummada soomaaliyeed .
lasoco…
Maxamed Xasan
maxas.abdil@gamial.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso