MAANSADA: DARSI EEBBE

MAANSADA: DARSI EEBBE
“Siday Diintu nagu tidhi
Daliilka aan u leennahay
Waa daar adduunyadu
Dadka lagu jirrabayaa
Waa dariiq la marayoo
ku dambeeya aakhiro
Inta lagu dul noolyahay
Sida loo dukaanshado
Dastuurbuu Alle u dhigay
Dadka raaca lagu yidhi,

Danaha iyo baahida
Damaciisa aadmiga
Haddii aan damiir qaban
Ama diinta lagu dhaqin
Wuxu dabarka goostaba
Dalluun buu ku dhacayaa
Markuu doobi buuxsamo
Dibbaa loogu celiyaa
Xaqiiqada ka daahnayd
Bal inuu hadana dayo
Darsi Eebbe weeyaan,

Hadday iyagu doonaan
Siday iyagu doonaan
Inay ugu dakeeyaan
Daacadnimada laalaan
Dadnimada burburiyaan
Dibin daabyo gaystaan
Uu dulmigu sare u baxo
Xukun dooriyaa dhaca
Xaqqaa lagu dillaacshaa
Imtaxaanno lagu diro
Duri biiray baa gala
Iyo qaar ka sii daran
Dar horaa ku soo dhacay
Malaayiinno lagu dilay
Darsi Eebbe weeyaan
Waa digniin Ilaahay
U diraayo aadmiga
Dib inay u laabtaan,

Darooroow Cibaarada
Daciifnimada aadmiga
Daliil lagu aqoonsado
Maxaa dunidi kala xidhay
Duullimaadyadii jaray
Diyaaradii maxaa helay
Dugsiyadii tacllintiyo
Shaqaalihii dirraa shaly
Dukaamaysigii jiray
Delhi iyo Basaariyo
Ameerika Diriimiyo
Diilaam siduu haa
Dalas suuqyadeedii
Dubaay moolalkeedii
Dukaannadii adeegiyo
Dadkii wada ordaayay
Dardartii shirkadaha
Dalabka iyo suuqii
Dilaalkiyo malaalkii
Maxaa didiyay maandhaw
Dagalladii cawayskiyo
Dubnadiyo khamaarkii
Dunidii siraadnayd
Iyadoon dagaal dhicin
Duullaanno cadaw gelin
Difaac weeraar laga gelin
Duufaanno lagu kicin
Ama daadad lagu jabin
Maxaa damiyay laydhkii
Dalalkii hore u maray
Dayaxana u sahan tagay
Dawladii hubka is biday
Maxaa loogu daw galay
Dhulkii Daahirka ahaa
Dagalkii Cibaadada
Maxaa duubcas loo dhigay

Bal daciifnimada eeg
Dakharada ku wada dhacay
Dawakhaadda lagu riday
Walaacu uu la darisyahay
Duri bay ku sheegeen
Misna lama dawayn karo
Degdeg buu u fidayaa
Waa la isku dayayaa
Haddaan Daaim ka aqbalin
Ma hayaan wax daafaca
Dar aan laga filayn baa
Durba qayla dhaan diray
Doofaarki lama cuno
Dukhaankii dar baa jaray
Daraygii xalaashuu
Dalabkiisu sare kacy
Dadka waxa la farayaa
Inay dib ugu laabtaan
Dawadii Rasuulkiyo (SCW)
Dibbu Nabawigii jiray
Oo difaac u noqon kara
Ama lagu dawayn karo
Darsi Eebbe weeyaan,

Adduunyadi Darooraw
Duri ooman baa helay
Danbi uu sameeyiyo
Waa darjiidhka aadmiga
Dibin daabyo uu falay
Deelqaafyo lagu kacay
Waxbaa looga digayaa
Inaan looga sii darin
Darsi Eebbe weeyaan
Waa digniin Ilaahay
U diraayo aadmiga
Dib inay u laabtaan

Daalloy dhibaatada
Dab munaafaq shiday buu
Digadiisa ku gubtaa
Muumin daacad ka ahaa
Ducadiyo Ijaabada
Daaimoow Allahayaw
Inta diirka madawliyo
Inta dagal Islaam yaal
Adaa doorin karayee
Ka dulqaad masiibada
Daaimow Allahayaw
Gudaha iyo debadaba
Dadkayaga ka nabadgeli
Duri biiray iyo baas
Duri ooman iyo balo
Dabaylaha dhacaayiyo
Duul duul ka naga hay,

Jamaal Ina Darooriyo
Saaxiibkay Daalliyo
Toosane Darwiishiyo
Khadar Shaqalle daasiyo
Roosari Durduro iyo
Dumarkooda badaniyo
Kabaweyne Daaniye
Dayaxweerar iyo Goox
Danjirow Ismaaciil
Iyo Dool xaggiisaba
Diracii Ina Guuleed
Taariikhda dabagalay
Sawaaxili docdiisiyo
Hal doorkii Cigaaliyo
Dirkuu weerar dhalay iyo
Dagan walanwal yuu helin
Duryame iyo Baaruud
Hooyadii Daryeeliyo
Diktoorkii Farduusa
Muusa beenna yuu dilin
Daa Maxamed Dheerana
Mahdi iyo dadkiisiyo
Daaskii Ilma Maalmiyo
Barbaartii ku darrayd
Danab Maxamed Sheekhiyo
Duqii macalinkaygii
Xasan Shiine yuu durin
Qurbajoogga debadaba
Daafaha adduunyada
Dalkastay ka joogaan
Daaimoow ka nabadgeli
Duri biiray iyo cudur
Intuu durayo saakana
Dabiil caafimaad sii,

Daaimoow Allahayaw
Rabbiyaw Dulbadanaw
Danbidhaaf u waynaw
Daalacal quluubbaw
Deeqsiyo Rasaaqaw
Daadihiye kawnkaw
Dabbaraha axwaashaw
Dooriyaha ammuurtaw
Dufacada Gargaaraw
Siduu doono yeelaw
Dalkayaga ka nabadgeli
Gudaha iyo debadaba
Dadkayaga ka nabadgeli
Duri biiray naga qabo
Cudurada dilaaga ah
Dayrkaaga naga geli,

Daamaha Hargeysiyo
Deegaanka Booraama
Daaraha Berbera iyo
Dooxada Togdheeriyo
Deegaanka sooliyo
Degmadii Sanaagiyo
Xoola daaqsatadiyo
Dalag beeratadiyo
Dabatada Kalluunkiyo
Danyartiyo agoomaha
Xeebaha dayacaniyo
Qorrax joogga diifta leh
Dekediyo Madaarada
Inta xidhan dirayskee
Daafaca ku jeeddiyo
Kuwa dayrka nabadda ah
Barayaasha dooriyo
Daryeelaha bulshada iyo
Diktoorkiyo xukaamtiyo
Kuwa darawaliintee
Dawaafkoodu badan yahay
Daabaxaalayaashiyo
Daakiraadda waagii
Kuwa daabaxayaayiyo
Kuwa duba quraacdiyo
Dabakaalayaashiyo
Wadhatada danlayda ah
Kuwa daabacaayiyo
Kuwa duuba wararkiyo
Biyo doonayaashaa
Dadka soo waraabiya
Da’yarta iyo waayeel
Dumarkiyo carruurtaba
Allahayaw dadkoo idil
Gudaha iyo debadaba
Dalkayaga ka nabadgeli
Duri biiray naga qabo
Cudurada dilaaga ah
Duri ooman naga hay
Dayrkaaga naga geli,

Allaha Daaimka ahaw
Dalkayagu siduu yahay
Darajada dhaqaalaha
Waa dabaqad hoose
Dadku badi sidu u yaal
Dakhligoodu suu yahay
Danyar buu u badan yahay
Dadku suu u badan yahay
Dabka waxay ku shidayaan
Waa maalin dirir kood
Waxa looga digayaba
Ma dareemayaan badi
Sida dunida loo galay
Dadka jooga lagu yidhi
Gurigiyo duleedada
Ee gaadhadh loo diray
Ee dawladaha qaar
Si aan dibad ba loo bixin
Bahalaha dad qaadka ah
Libaax gaajo lagu dilay
Lagu soo dareeriyay
Daaimoow Allahayaw
Dadkayagu ma karayaan
Darajaan se dheerrahay
Iimaanka diintiyo
Ducadiyo salaadiyo
Dummaadaada weeyaan
Dikri bay ku noolyiin
Oo difaac igaga filan
Duri biiray iyo baas
Duri ooman iyo balo,

Daaimoow Allahayoow
Dariskayga jaarkana
Duhurkii yimaadaba
Waa la kala dabqaataa
Dadar iyo Hawaasiyo
Dooxada Jigjiga iyo
Hawadayna yuu durin
Dadka reer Jabuutiyo
Daanta Afrikaba dhawr.

Duco iyo diyaar garaw
Jamaal Ina Darooraw
Siday diintu nagu tidhi
Daliiliyay rasuulkii (SCW)
Ma soo dejo Ilaahay
Cudur aan dawo lahayn
Dilka mawdka mooyee
Darsi Eebbe weeyee
Dadka waxa la farayaa
Inay dib ugu laabtaan
Dawadii Rasuulkiyo (SCW)
Dibbu Nabawigeennii
Xabaasuuddu waa dawo
Iyo malabka lagu daro
Sinjibiisha haw dagan
Toontana ha daynina
Iyo liinta lagu daro
Immikay dabaqayaan
Kuwii hore u daadiyay
Dibbu Nabawigii baadh
Daallana warka u gee
Qurbajooggi debadiyo
Dunidoo dhan gaadhsii,

Dulucdeeda Maansada
Dabuubteedu waxay tahay
Hadday maalin daran tahay
Ama laga digtoon yahay
Wuxu qaran ku doogaa
Ama kaga dabbaashaa
Amar kala dambayntiyo
Diyaar garawga hore iyo
Dawladda iyo shacabka ba
Isku duubni weeyaan
Da’yartoo shaqaysiyo
Dadkoo hura intoodiyo
Dadkoo tabarucaayiyo
In la wada dadaaliyo
Talo Daaim lagu xidho

Allahayaw dadkoo idil
Gudaha iyo debadaba
Dalkayaga ka nabadgeli
Duri biiray naga qabo
Cudurada dilaaga ah
Duri ooman naga hay
Dayrkaaga naga geli
Dadaalkeeda qaraniyo
U diyaar garawgiyo
Dawladana Allaw dhawr

Abwaan Xasan Axmed Yuusuf (Xasan Afgaab)
Tell: 063 4081527 hassanafgaab@gmail.com
Hargeysa, Jamhuuriyadda Somaliland, April 2, 2020

Advertisement

Ku Xayeysiiso