Akhriso Liiska Madaxada Reer Spain ee uu ku Dha’cay Xanuunka Koroona Fayrus. W/Q: Cabdiraxmaan Rashiid (Dalmar)

Akhriso liiska madaxada reer spain ee uu ku dhacay xanuunka koroona fayrus kaas oo meel aad u daran la maraaya wadankaas Spain waxaana safka hore ku jirta xaaska raiisal wasaaraha wadankaas Begoña Gómez.

Begoña Gómez, oo ah xaaska Raiisal wasaaraha Spain Pedro Sánchez, ayaa laga helay cudurka ‘coronavirus’ waxayna hadda ku karantiimaysantay gurigooda oo ku yaal La Moncloa Palace ee Madrid.

Irene Montero, wasiirka sinaanta ee Spain, ayaa ahayd wasiirkii ugu horreeyay ee ka soo jeeda Spain ee laga helay cudurka loo yaqaan ‘coronavirus’ waxaana la karantiilay iyada iyo Pablo Iglesias, ra’iisul wasaare ku-xigeen ahna hogaamiyaha xisbiga Podemos.

Javier Ortega Smith, xoghayaha guud ee xisbiga midigta fog ee ‘Vox’, waxa laga helay 10-kii Maarij taasoo keentay in laga joojiyo aqalka hoose ee baarlamaanka Spain.
Abascal, oo ah hogaamiyaha xisbiga Vox, ayaa isna laga helay cudurka ‘coronavirus’.

Quim Torra, hogaamiyaha gobolka Isbaanishka ee Catalonia ayaa ku dhawaaqay Isniintii inuu qaaday cudurka fayruska ah ee covid19 isla markaana uu isagu iskiis uu isugu go’doomin doono dhisme dowladeed oo ku yaal caasimadda wadankaas.

Pere Aragones, oo ah kuxigeenka madaxa maamulka gobolka Catalan, ayaa ku dhawaaqay in laga helay cudurka loo yaqaan ‘coronavirus’.

W/Q: Cabdiraxmaan Rashiid (Dalmar)
Suxufi madax banaan
Hargeysa somaliland
Email: Cabdiraxmaan800@gmail.com
FB: Cabdiraxmaan Rashiid Dalmr

Advertisement

Ku Xayeysiiso