Ciidanka Dab-demiska caasimada Hargeysa ayaa maanta damiyay guri Jiingada oo ku yaalla xaafada Sheedaha ee magaalada Hargeysa

Hargeysa – Ciidanka Dab-demiska caasimada Hargeysa ayaa maanta damiyay guri Jiingada oo ku yaalla xaafada Sheedaha ee magaalada Hargeysa.

Ciidanka ayaa ku guuleystay daminta dabkan, waxaana dabkaa laga xakameeyay inuu ku fido guryihii u dhawaa goobtaas.

Ma jirin khasaare dhimasho iyo dhaawac oo dabkaasi sababay. Ciidanka Dab-demiska taliska guud iyo xarunta Ibraahim Koodbuur ayaa damiyay dabkaas.

Laamaha amaanka degmada Ibraahim Koodbuur ayaa iyaguna dhankooda kala qayb qaatay ciidanka hawlgalkan.

Xafiiska Warbaahinta Ciidanka Dab-demiska JSL

Advertisement

Ku Xayeysiiso