Degdeg: Dhimashada Dadka Caabuqa u dhimanaaya oo sii kordhaaya dalka Sweden .. iyo Dawo yaraan la soo daristay dalka Sweden.

Kooxda Caafimaadka dalka Sweden ayaa Bukaanka Xanuunka Covid 19 u kala qaybiyey 3 Sadex qaybood .

– Qaybta koowaad waxay ku sheegeen Qaar Ladan oo daaweyntooduna fududaha

– Qaybta labaad waxay ku sheegeen Qayb Halis ah oo daawayntoodana ay ku dhib muteen .

– Qaybta sadexaadna waxay ku sheegeen qayb u dhaxaysa labadan qaybood .

Waxay Goaamiyeen Xeerna ka soo saareen in Bukaanjiifka xaaladiisu fududahay ee ka kici kara Xanuunka la horaysiiyo daawayntiisa .

Halka ka xaaladiisu culustahay ay sheegeen in loo daayo Xanuunka ilaa inta uu Wadkiisii ka imanayo ama uu dhimanaayo.

Xaaladii sadexaad ayey goaaminyeen in marka ka xaaladiisu fuduhay la daweeyo iskana lagu xigsiiyo hadii waqti loo holo.

 

Dhinaca kale Dawlada Sweden ayaa soo saartay in ay la soo daristay Dawo yaraani taas oo ay sheegeen in ay sii kordhayso Dadka uu ku dhacaayo Xanuunka Corona virus. Waxay dawladu sheegtay in dhimashada dadku ay marayso 333 (Sadex boqol iyo sodon iyo Sadex ruux) halka 24 kii saac ee la soo dhaafay ay ku qordh waayeen ama ay u geeriyoodeen xanuunka 51 ruux oo ka mid ah 333 kaas.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso