Wardegdeg ah : Magaalada Jigjiga Oo Lagu soo daadgureeyey Ciidmo Liyuu Boolis ah oo dadka budhadh la dhacaaya kadib xidhitaankii Madaxdii inqilaabaysay Md Cagjar

War deg deg Waxaa magaalada Jigjiga lagu soo daadiyay ciidanka badan oo liyuu booliska oo dadka budhadh la dhacaya magaaladana waxaa la galiyay bandoow, ka dib markii saaka xabsiga loo taxaabay hogaanka Nabadgalyada dawlad degaanka somalida Cabdi caadil, xilkiina laga qaaday ka dib markii khilaaf ba’an soo kala dhexgalay isaga iyo madaxweynaha ku meel gaadhka Mustafe omar, waxaa kale oo shalay la xidhay baratakoolka madaxtooyada ee Mustafe omar , Mr Cabdiqadir Bisle, waxaa kale oo xilka laga qaaday Madaxa sirdoonka degaanka iyo madaxa kuliyada macalimiinta TTC.

Wararka ayaa sheegaya in xil ka qaadista iyo xidhitaanka masuuliyiintaa ay ka danbeysay kadib markii uu Mustafe Omar uu ka war helay qorshe ay wadeen masuuliyiintaan iyo kuwo kale oo degaanka iyo federaalka jooga in ay wadeen qorshe xilka looga qaadayo madaxweynaha ku meel gaadhka Mustafe Omar, shacabka DDS ayaa aad ooga walwalsan is qabqabsiga siyaasadeed ee u dhaxeeya masuuliyiinta oogu sareeya DDS oo in mudo ah soo cago jiidayay.

Xiligan lagu soo aadiyay isku dayga xil ka qaadista iyo is qabqabshada masuuliyiinta ugu sareeya ma aheyn xili munaasab ah maadaama ay dalka uu galay xaalad deg deg ah oo uu cudurka Coronovirus ee dilaaga ah soo galay dalka Itoobiya laga helayna 26 ruux, loona baahnaa in masuuliyiintu ay waqtigooda galiyaan sidii looga hortagi lahaa cudurkan loona wacyi galin lahaa bulshada sidii ay ooga gaashaaman lahaayeen cudurkan dilaaga ah.

Dhinaca kale waxa uu Madaxweyne Cajar magacaabay badalkii masuuliyiintii uu Badhan xidhay badna ay baxsadeen waxaanuu xilalkan u magacaabay

1. Cabdulahi Maxhamed Cabdi Dheere: Kusimaha Hoggaanka Nabadgaliyada.

2. Dayib Maxamed (Maareeyaha TTC Dr).

3. Cabdi siigaale (Madaxa Sirdoonka DDS).

4. Xirsi Dool (Kuxigeenka Sirdoonka DDS).


 

Advertisement

Ku Xayeysiiso