Madaxweynihii hore Congo oo waddanka France ugu geeeriyooday cudurka Covid-19

Madaxweynihii hore Ee dowladda Jamhuuriyadda Congo, Yombi Opango, oo ku geeriyoodday da’da 81 sano jir, ayaa xanuunsana ka hor intanan la Xaqiijin in laga helay Coronavirus, oo uu  ugu geeriyoodday dalka Framce.

Opango oo dowladda jamhuuriyadda Congo kaso qabtay xilal kala duwan sidda Ra’iisul wasaare iyo madaxweyne ayaa xaalad caafimaad u joogay dalka France sidda qoyskiisu ay u sheegan wakaalada wararka AFP.

Wiilkiisa Jean Yombi ayaa sheegay in isbitaal ku yaal Caasimadda France ee Paris uu ku geeriyoodday aabihiis, madaxweynihii hore Ee Congo Yombi Opango.

Yombi Opango, ayaa ahaa Sarkaal ciidan ka hor inta uusan noqon madaxweynaha Dowladda Congo kadib dilkii madaxweyne Marien Ngouabi sanadkii 1977, waxaana uu xilkaas haayey intii u dhaxaysay 1977 illaa 1979. Sido kalana intii u dhaxaysay 1993 illa 1996 ayuu so noqday Ra’iisul wasaaraha Congo.

Advertisement

Ku Xayeysiiso