Yuusuf Garaad Cumar Ayaa Ka Hadalay Joojisay Barnaamijkii Caawa Iyo Caalamka Ee Ay Bbcdu Joojisay.

Madaxii Hore Ee Laanta Afka Soomaaliga Ee BBC Yuusuf Garaad Cumar Ayaa Ka Hadalay Joojisay Barnaamijkii Caawa Iyo Caalamka Ee Ay Bbcdu Joojisay.

Joojinta Barnaamijka Caawa iyo Caalamka ee BBC ayaan ka war helay. Caawa iyo Caalamka oo magaciisa aan bixinnay sannadkii 2000 markii aan dib-u-habeyn ku sameynay Barnaamijyada BBC Laanteeda Soomaaliga ayaan xusuustiisa mid ka mid ah kula wadaagayaa.

Waxaan rajeynayaa in weriyayaasha iyo Tifatirayaasha ay wax u kordhin karto ama ugu yaraan macno gaar ah u sameyso.

Laanta Soomaaliga ee BBC waxay soo martay xilliyo ay dalka u ahayd isha keliya ee gaarta Soomaaliya iyo Geeska Afrika oo dhan. Waxay ahayd isha ay dadweynaha Soomaaliyeed ee ugu badani ay ka dhegeystaan warar khuseeya noloshooda siiba amnigooda iyada oo lagu jiro xilli colaadeed.

Dhammadkii siddeetamaakii, sagaashanaadkii iyo dhammaadkii sannadihii 2000 ayaa ka mid ahaa xilliyada aad u adkaa.

Habeen waxaan xusuustaa iyada oo Caawa iyo Caalamka diyaarintiisu ay geba gebo mareyso wakhti yar uu ka haray xilligii uu hawada geli lahaa, aan xog ka helay il Mareykan ah oo ila soo xiriirtay.

Waxay ahayd Sunaamidii ka dib.

Isha wareed waxay ii sheegtay dhul gariir badda hoosteeda ka dhacay awgiis, in ay u badan tahay in Sunaami ay ku soo fool leeedahay Soomaaliya. Taas oo ku dhufan doonta isla habeenkaas ama aroorta hore.

Sida keliya ee dadweynaha Soomaaliyeed loogu digi karo iyo cidda keliya ee cod la gaarta una sheegi karta in ay ka fogaadaan xeebaha Badweynta India ay tahay BBC laanteeda Soomaaliga. Berigaas waa idaacadda keliya ee Soomaaliya oo dhan laga dhegeysto. Waxaa la iga codsaday in aan digniintaa sii deyno caawa, si aan u badbaadinno dadka iyo hantida guuri karta.

Haddii aan Barnaamijka hadda faraha lagu hayo lagu dari waayo digniintu, ma jiro Barnaamij kale oo ka soo horreeya Sunaamida laga baqayo.

Waa go’aammada ugu adag ee soo mara Tifatire. Xogta aan helnay ma hubno in ay sax tahay oo rumoobi doonto. Haddii aan sheegno oo la qaxo ayna, Sunaami uu dhici waayo, waxaan lumineynaa kalsoonida dhegeystaha.

Laakiin haddii ay sax tahay oo aan sheegno khasaare ayaa imaan kara naf iyo maalba leh oo aan ka digi karnay, walibana la innaga codsaday.

Haddii aan goosan lahayn in aan sheegno xogta, ma hayno il aan ka soo xiganno. Ma jili karno in aan innagu nahay hey’adda aqoonteeda iyo qalabkeeda haysata lagu cabbiro dhul gariirka iyo mowjadaha badda.

Waxay na gelisay wakhti adag oo daqiiqad daqiiqad isu guraya. Daqiiqad kasta oo ku dhaaftaa waxay kugu sii kordhineysaa culeyska mas’uuliyadda ku saaran iyo dabcan garaaca wadnahaaga.

Ka dib markii aan dhegeystay talada soo saaraha Barnaamijka iyo kooxda shaqeyneysay maalintaas, waxaan la tashi u aaday Madaxdeyda.

Ishii aan xogta ka helay markii aan ku laabtay oo aan u sheegay xaaladda aan suurta galka ahayn ee ay na joojisay, waxaan aakhirkii helay xarun howlahaas qaabbilsan oo laga soo xigan karo dhulgariirka iyo waxa ka dhalan kara.

Xusuusteydu waxay i siineysaa in aan goosannay in aan sii deyno digniinta, qaabka loo sheegayana aan ka gaarsiinnay Caawa iyo Caalamka.

Khasaarihii weynaa ee laga baqayay ma dhicin.

Waxa Qoray Yuusuf Garaad.

Advertisement

Ku Xayeysiiso