Safaarada Jamhuuriyadda #Somaliland ku taala Addis Ababa, Itoobiya oo ardayda reer Somaliland wax ka barata Wadanka Itoobiya kasoo daad guraysay kadib markii Jaamacadaha Itoobiya la xidhay arinta Cudurka Coronavirus.

Dowladda Jamhuuriyadda Somaliland waxay ardayda reer Somaliland usoo kiraysay Buses dhaadheer oo lagu soo qaado ilaa Somaliland

Waxaa kaloo safaarada Somaliland ee Addis Ababa ka dhacay Ardaydii reer Somalia oo ku cadilan Itoobiya ayaa safaarada Somalia oo xidhan yimid safaarada Jamhuuriyadda Somaliland ee Addis Ababa si ay ugu soo dhex dhuuntaa ardayda reer Somaliland arintaasna may suurta galin waa laga dhex saaray.

Mr Camey Safiirka Somalia ujooga Itoobiya ayaa war iyo wacaad laga la yahay inuu caawiyo ardayda reer Somalia ku cadilan Itoobiya inuu wax u qabto halka kuwa ardayda Jamhuuriyadda Somaliland dowladoodii usoo gurmatay.

Dhinaca kale maanta madaxdwaynaha Qaranka JSL ayaa ubalan qaaday ardayda reer Somalia Wajaale soo maraysa inuu sii gudbin doono wadankooda.

Advertisement

Ku Xayeysiiso