Labadii Xubnood ee Komishanka Doorashooyinka Mucaaridka ugu jiray oo Waayay Codkii ay u baahnaayeen in ay ku Gudbaan

Golaha wakiilada JSL ayaa Maanta Cod u qaaday Labada Xubnood ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka u meteli lahaa Xisbiyada Mucaaridka ah waxaana codkoodu u dhaay sidan.

1. Cabdifatax Ibrahim Hassan Xubintii UCID
Waxa ogolaaday 29 Xildhibaan waxa Diiday 8 waxa ka aamusay 14 gudoomiyuhuna muu codaynin.

2. Maxamuud Siciid Dalmar xubintii WADDANI
Waxa ogolaaday 31 Xildhibaan waxa Diiday 6 waxa ka aamusay 14 gudoomiyuhuna muu codaynin.

Sida uu dhigayo qodobka 11aad ee xeerka Doorashooyinka madaxweynaha iyo golayaasha deegaanka farqadiisa 3aad waa in xubinta komishanka ka midka noqonaysa ay Golaha wakiilada ku ansixiyaan Kala badh iyo hal (Absolute Majority) oo noqonaysa maadaama oo goluhu 80 k kooban yahay 40+1 = 41.

Maadaama aanay helin labada xubnoodba codadkii laga rabay oo ah 41 xildhibaan waxay sidaas ku waayeen xubinimadii Komishanka Doorashooyinka.

Gudida arimaha Gudaha ayaa sidoo kale waxa ay soo jeedisay inaan la ansixinin Xubinta Xisbiga UCID Cabdifataax ibrahim Xasan maadaama aanu buuxinin shuruudihii xubinimo iyadoo la raacayo heshiiskii Saddexda xisbi iyo madaxweynaha

Advertisement

Ku Xayeysiiso