Soomaaliya oo laga helay Kiiskii Saddexaad ee xanuunka Coronovirus

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Drs; Fowziya Abiikar Nuur oo la hadashay warbaahinta ayaa xaqiijisay inuu jiro Kiiska Saddexaad ee Cudurka Covid-19.

Wasiirka ayaa sheegtay in xanuunkan laga helay Qof Ajanabi ah oo ka tirsan shaqaalaha ka howl-gala xarunta Xalane ee Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale qoraal lagu daabacay bogga Twitter-ka ee Qaramada midoobay ayaa lagu sheegay in Xubin ka tirsan shaqaalaheeda Soomaaliya laga helay xanuunka Coronovirus.

Qaramada midoobay ayaa sheegtay in ay Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ka taageerayso sidii loo xakamyn lahaa faafidda cudurka halista ah ee Corona.

Advertisement

Ku Xayeysiiso