Maraykanka iyo Kanada oo xadka kala xidhay Maanta

Waxaa gelinkii dambe ee Xalay dhaqan galay heshiis kama dambays ahaa oo ay wada gaadheen Dowladaha Maraykanka iyo Kanada, kaas oo ay xadka ku kala xidhanayaan Labada Dal.

Madaxweynaha Dalka Maraykanka, Donald Trump iyo Ra’iisulwasaaraha Canada, Justin Trudeau ayaa dhowaan isla go’aansaday in la xidho xuduudda si loo yareeyo dhaq-dhaqaada Dadka iyadoo laga qabsi qabo faafidda cudurka Coronovirus.

Mr; Trudeau ayaa sheegay in shirkadaha Gaadiidka ee isaga kala goosha Labada Dal ay ka caawin doonaan soo daabulista Dadka kanadiyaanka ah ee ku go’doonsan gudaha Maraykanka si ay Guryahooda ugu soo laabtaan.

Madaxa Caafimaadka Caafimaadka ee Dalka Kanada , Theresa Tam ayaa sheegtay in ay baadhitaanno ku sameeyeen 55,000 Qof, iyadoo calaamadaha cudurka laga helay 800, halka 12 kalana ay u geeriyoodeen.

Xadka Labada Dal ayaa la sheegay in caadiyan ay Maalin walba isaga gooshi jireen Dad ka badan 200,000 Qof, waxaana haatan istaagaya dhammaan isu socodkii Dadka ee halkaasi ka jiray.

Advertisement

Ku Xayeysiiso