Booliska Rwanda oo xidhay nin sheegay in uu daweeyo cudurka coronavirus

Booliska dalka Rwanda ayaa xabsiga u taxaabay nin sheegay inuu daweyn karo cudurka Corona kaddib markii barta YouTube-ka lasoo geliyay muuqaalkiisa.

Marie Michelle Umuhoza oo u hadashay waaxda dembi baadhista ee booliska dalkaasi ayaa warbaahinta u sheegtay in ninka ku andacooday inuu dadka ku daweeyo dhir dhaqameedka la xidhay Salaasadii.

Waxay sheegtay in booliska aysan inaba aqbaleyn wararka been abuurka ah ee ku saabsan cudurka saf-marka ah ee Covid-19, waxaana meesha laga saaray muuqaalka ninkaasi.

Rwanda waxay xaqiijisay 8 kiis oo ku saabsan cudurka Covid-19, dowladdana waxay goobaha dadweyna ku kulmaan ka hirgelisay meelo ay dadku ay gacmaha ku dhaqdaan sii looga hortaggo cudurkaasi.

Waxaa la xidhay iskuulada iyo kaniisadaha ku yaalla dalkaas.

Ma jirto wax dawo ah ama tallaal looga hortaggayo cudurka Covid-19

    

Advertisement

Ku Xayeysiiso