IRAN oo uu Meel Xun La Maraayo Karoona Fayrus (Coronavirus) iyo sucuudiga oo Joojiyey Shaqooyinkii Dawlada Cabsi Awgeed. W/T: Cabdiraxmaan Rashiid (Dalmar)

Xubin ka tirsan gollaha khubarada Iiraan ayaa u dhintay isniintii iyada oo wadanka laga soo sheegaayo 1,053 kiis oo cusub iyo 129 dhimasho ah oo cusub oo u dhintay coronavirus, oo sidoo kale loo yaqaan COVID-19, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee IRNA.

Ayatollah Seyed Hashem Bathaee, oo ah 79-jir xubin ka ah Golaha Khubarada, wuxuu wakiil uga ahaa Tehraan shirkii lagu soo doortay golah 88-ka ah, oo ah mid ka mid ah goleyaasha dowladda ee ugu saameynta badan dalka Iiraan, wuxuuna awood u leeyahay magacaabidda iyo eryida hoggaamiyaha ugu sareeya.

Waxaa la dhigay isbitaal ilaa Sabtidii wuxuuna ku dhintay subaxnimadii Isniinta magaalada barakaysan ee Qom, sida ay qortay IRNA.

Ilhan Omar ayaa iyaana dhankeeda waxay ku baaqeysaa in cunaqabateynta laga qaado Iran xilli uu ka dillaacay xanuunkan dunida ku sii faafaya.
Dhanka kale wasaaradda caafimaadka ayaa ku dhawaaqday in tirada dhimashada dadka Iran ay gaadhay 853, iyadoo guud ahaan ay marayso tiradu 14,991 kiis, Waxaa kale oo ay sheegtay in 4,996 bukaan ay ka bogsadeen.

Iiraan waa dalka uu cudurku xoog ugu faafay guud ahaan bariga Dhexe sida oo kalana waa dalka saddexaad ee uu xoog ugu faafay adduunka marka laga yimaado Shiinaha iyo Talyaaniga.

Ciidamada amniga dalka ayaa la faray inay nadiifiyaan wadooyinka wadanka oo dhan si ay u joojiyaan inuu virusku sii fido.

Baaxadda xaaladda ayaa ku kaliftay Bangiga Dhexe ee Iiraan inuu si rasmi ah uga codsado Sanduuqa Lacagta Adduunka $ 5 bilyan oo deyn ah oo lagula dagaallamayo cudurka, kaasoo ku fiday dhammaan gobollada.

Cudurkan oo galaaftay dhawr siyaasiyiin Iiraaniyiin ah iyo mas’uuliyiin xukuumada ku jiraba waa la qaadsiiyay sida laga soo xigtay ilo ka ag dhaw masuuliyiinta iyada oo qaarna ay u dhinteen cudurka.

Ali Akbar Velayati oo ah lataliyihii Hogaanka Sare ee Iran Ayatollah Ali Khamenei ee dhanka siyaasada arrimaha dibedda ayaa ah qofka ugu sareeya ee looga shakisan yahay cudurka xilgan

Dhanka kale, madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Iran, Eshaq Jahangiri, ayaa Isniintii ku dhawaaqay inuu ka soo bogsaday “hargab” coronavirus ka dib markii ay soo baxeen in uu ku dhacay cudurku.

Kooxaha xuquuqda iyo mas’uuliyiinta Iiraan ayaa ku baaqay in cunaqabataynta Mareykanka laga qaado Iran si ay awood ugu siiso waaxda caafimaadka ee dalka in ay la dagaallanto dhibatada xanuunka iyada oo ay jiraan warbixino sheegaya baahiyo caafimaad oo aad u daran.

Dhanka kale Sucuudi Carabiya waxay si ku meel gaadh ah u joojisay shaqadii dowladda marka laga reebo caafimaadka, amniga, iyo waaxaha militariga, taas oo qayb ka ah dadaalkeeda ku aaddan xakameynta faafitaanka coronavirus.

Waxay kaloo ay amartay in la xidho dhammaan suuqyada, makhaayadaha, kafateeriyada iyo Suuqyada waaweyn, farmasiiyada iyo shirkadaha cuntada keena ayaa loo oggolaan doonaa inay si caadi ah u shaqeeyaan.

Ilaa Isniinta 16ka Maarso, boqortooyada khaliijka ayaa soo warisay 118 xaaladood oo ah cudurka coronavirus, oo sidoo kale loo yaqaan COVID-19.
Dawladda ayaa ka codsatay dhammaan shaqaalaha inay joogaan guriga muddo 16 maalmood ah oo ka bilaabaneysa Isniinta, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee SPA.

Waxay ku dhawaaqday yareynta shirarka waaxaha dowladda, iyadoo kor loo qaadaayo macaamillada elektiroonigga ah iyo aaladaha adeegga is gaadhsiinta ee dhammaan qaybaha dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay.
Waaxaha gaarka loo leeyahay waxaa lagu booriyay inay yareeyaan tirada shaqaalaha imanaya goobaha shaqada iyo in lagu dhiiri galiyo inay meelo kala fog ka shaqeeyaan.

W/Q: Cabdiraxmaan Rashiid (Dalmar)
Suxufi madax banaan
Hargeysa Somaliland
Email: Cabdiraxmaan800@gmail.com

.

Advertisement

Ku Xayeysiiso