Ciidamada Puntland oo hawlgal dad lagu soo qabtay fuliyay

Ciidanka amniga Puntland ee PSF ayaa habaynadii tagay hawlgallo qorshaysan ka sameeyay xaafado ka tirsan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Ciidamada ayaa hawlgalka si gaar ah uga fuliyay guryo ku yaalla Boosaaso waxaana inta ay socdeen hawlgalladan lagu soo qabtay dad u badan dhalinyaro kuwaas oo loo malaynayo in ay xirrir la leeyihiin kooxo argagixiso.

War qoraal ah oo ka soo baxay taliska ciidanka amniga Puntland ee PSF ayaa lagu sheegay in hawlgalka uu ahaa mid lagaga hor tagayay falka amni darro ee xilliyada qaar ka dhaca xarumaha dawladda, saldhigyada ciidamada iyo goobaha ay bulshadu ku kulanto sida masaajida iyo Suuqyada magaalada Boosaaso.

“Ciidanka PSF oo kaashanaya shacabka magaalada Bosaaso waxay hawlgalladan socda ku soo qabteen xubno lagu tuhmayo in ay ka tirsanyihiin kooxaha cadawga ah, kuwaas oo ay baaritaanno ku socdaan,” ayaa lagu yiri qoraalka taliska ciidanka PSF.

Ugu dambayntii saraakiisha ciidanka PSF ayaa u mahadceliyay Shacabka Soomaaliyeed ee ku sugan Magaalada Boosaaso, iyagoona ka dalbaday inay la shaqeeyaan laamaha amniga si looga hortego falalka amni darro ee xiliyada qaar ka dhaca Boosaaso.

    

Advertisement

Ku Xayeysiiso