Shirweynaha Beelaha Barriga iyo Galbeedka Burco ayaa Maanta si rasmi ah uga furmay Magaalada Burco.

Shirweynaha Beelaha Barriga iyo Galbeedka Burco ayaa Maanta si rasmi ah uga furmay Magaalada Burco.

Shirka oo qabanqaabadiisa maalmihii ugu dambeeyay laga dareemaayay magaalada Burco waxa ka qayb galaya ergooyin kala duwan oo ka kala socda labada belood ee Habarjeclo iyo garxajis kuwaas oo isaga kala yimi gobolada dalka.

Madax-dhaqameedka beelaha bariga Burco oo gogasha fidiyay ayaa sheegay in shirkani uu ka caagan yahay arrimo siyaasadeed, isla markaana ajandayaashiisa ay ugu waaweyn yihiin sidii labada beelood ay wadajirkooda iyo horumarka deegaanada ay wada degaan ay uga shaqayn lahaayeen.

Shirkan ayaa socon doona mudo afar maalmood ah, waxana aad loogu dhag taagayaa qodobada kasoo baxa.

Xigasho Weriye Axmed Kaafi

Advertisement

Ku Xayeysiiso