Wasiirka Caafimaadka UK oo laga helay cudurka Coronavirus

Warar soo baxaya ayaa waxaa ay sheegayaan in Wasiirka caafimaadka ee dalka Ingiriiska, Nadine Dorries in laga helay xanuunka corona, cudurkaasi oo haatan laga daweynayo.

Ms Dorries, oo sidoo kale ah xildhibaankii ugu horeeyay ee laga helo xanuunkan ayaa sheegtay in ay qaaday tallaabooyinka laga mamaarmaanka ah ee lagula taliyay, gurigeedana ay isku karantiishay.

Arrintan ayaa imaaneyso iyadoo dhawaan lix qof ay dalka Ingiriiska ugu dhinteen xanuunka, halka 382 oo ku nool Britain na uu haleelay xanuunkaas.
Qofkii ugu dambeeyay ee u dhinta xanuunka corona ayaa ahaa oday 80 sano jir ah oo markiisi horeba dhul yaal ahaa.

Dhanka kale hey’adda caafimaadka ee Britain ayaa sheegtay in ay sare u qaadeyso heerka baaritanaada xanuunka corona, maadaama ay sare u kacayaan dadka uu ku dhacayo caabuqaas. Waxaa kale oo ay sheegeen in maalintiiba kun qof laga baari karo xanuunka.

Wasiirka waxaa kale oo ay sheegtay in hey’adda caafimaadka ee England ay haatan bilawday inay raadiyan dadkii ay la macaamiishay ama ay la kulantay iyo shaqaalihii ka shaqeynayay wasaaradda caafimaadka ee ay madaxda ka tahay.

    

Advertisement

Ku Xayeysiiso