Yurub oo ogolaatay inay qaataan Carruurta Qaxootiga ee ku xaniban Xadka Turkiga iyo Giriigga

Shan dal oo ka mid ah dalalka Yurub ayaa si rasmi u ogolaaday inay qaadi doonaan oo magangelyo siin doonaan Carruurta yar-yar ee qaxootiga ah ee ku xaniban xadka u dhaxeeya Dalalka Turkiga iyo Giriiga.

Arrintan waxaa shaaciyay Guddigii Golaha Midowga Yurub u xil saareen inay ka shaqeeyaan sidii loo xallin lahaa xaaladda Qaxootiga, waxayna guddigu tilmaameen in aan la eegan karin xaaladda ay ku sugan yihiin dadka qaxootiga ah ee wali jooga xadka Turkiga iyo Giriiga.

Wadamada Yurub ee ogolaaday inay qaadan doonaan caruurta ayaa kala ah Finland, France, Germany, Luxembourg iyo Portugal, dalalkaas oo caddeeyay inay baadhitaan dhinacyo badan ah marsiin doonaan Caruurta Qaxootiga ah, waxyaalaha laga baadhayona waxaa ka mid ah cudurka Corona Virus.

Advertisement

Ku Xayeysiiso