Wada-hadalka Somaliland iyo Soomaaliya qaybtii 10aad

                                                                   March  2020

 

Maxaa laga wada Hadlayaa:-

 

(Laba dal oo walaalo ah oo deris ah aynu noqono—-Somaliland.)

(Soomaalidu waa dad walaalo ah,ma kala maarano ee aynu Mudowno—Soomaaliya)

 

Somaliland iyo Soomaaliya  waxay wada hadlayeen hadda mudo aad u dheer.Marka laga soo June 2012 ilaa sanadkan 2020,waxaa socday Shirar lagu wada hadalsiinayo Somaliland iyo Soomaaliya  kuwaas oo ay ka mid yihiin, Shirkii London—Shirkii Turky—Shirkii Jabuuti—-Shirkii Dubia—Shirkii Ethiopia  iyo weli ba Shirar kale oo badan oo si aan toos ahayn u dhexmaray Madaxda Somaliland iyo Somalia.

Dhamaan Shirarka kala duwan ee  dhex mara Somaliland iyo Soomaaliya laguma guulaysto,wax la taaban karo, oo ka hirgalayna ma jiraan,qodobada ka soo baxaana dhamaantoon maaha qaar dhaafa Hotelka la degan yahay—Diyaarada la raaco—Saxaafada iyo Waraaqaha wax lagu kala qorto.

In waxba ka hirgeli waayaan dhamaan Shirarka Somaliland iyo Soomaaliya,waxaan filayaa in ay sabab u noqon karaa  qodobadan hoos ku qoran:-

 

 

 

1.  Dhamaan Shirarka Somaliland iyo Soomaaliya kii ugu horeeyey ilaa kii ugu dambeeyey waxaa laga wada hadlaa mowduucyo isku mid ah,kuwaas ah.(aynu kala gono iyo aynu midowno),laakiin ma jiraan wax ka duwan oo kale,taas ayaana keentay iyo Shirarku madhalays noqdaan.

 

2.  Dalalka ilaa hadda lagu qabtay Shirarkii hore ee Somaliland iyo Soomaaliya sida  Uk-Turky-Jabuuti-UAE iyo Ethiopia ,ma aha wadamo dhexdhexaad ka ah arimaha laga wada hadalayo.Dhamaantood dalalkaasi waxay si buuxda u taageersan yihiin,fikirka ah in Somaliland iyo Soomaaliya ay markale dib u midoobaan,sababtoo ah danaha wadamadaasi wax faaiido ah uguma jirto in ay ay kala goaan Somaliland iyo Soomaaliya,wixii aan dani ugu jirinna ma taageeray.

 

3.  Wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya waxaa loogu soo horaysiiyaa marka la wda hadlayo qodobada ugu adag,taas oo keenta in markiiba lays mari waayo,Shirkana lagu kala kaco.

 

Hadal iyo dhamaan inta ay wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya  ku dhexjiraan  dalalka aanay dantoodu ku jirin in Somaliland iyo Soomaaliya la kala jaro—- inta Ajandaha Shirarku isku mid yihiin —— iyo inta loogu soo horaysiinayo  wada hadalka qodobada ugu adag   sheekadu waa:

 

Jug jug meeshaada jog. Amase waa Ila meerayso.

 

ALLAA. M A H A D    L E H

 

Amb. Abdi M.Saleiman(Mingiste)

 abdi_saleiman@hotmail.com

 fb. Abdi Saleiman.

Twitter:  @_saleiman.

Skype: abdisaleiman1

 —- la soco qaybt 11 aad 

Advertisement

Ku Xayeysiiso