Maraykanka oo bilaabay inuu ciidammadiisa kala baxo Afganistan

    

Maraykanka ayaa bilaabay inuu ciidammadiisa sa kala baxo Afghanistan, tan oo qayb ka ah heshiish at Taliban la galeen, oo looga gol lahaa in nabad laga dhaliyo dalkani.

Maraykanka ayaa heshiiskaas ku galay, si uu u yareeyo ciidammadiisa gaadhaya 12,000 isaga oo gaadhsiinaya 8,600 inta lagu gudo jiro 135 cisho ee uu ka dhaqan gelayo heshiiskaasi.

La bixidda ciidammadan ayaa ah xaalad muhiim u ah heshiiskan taariikhiga ah ee ay wada galeen US iyo Taliban 29-kii bishii February.

Xukuumadda Afghanistan ayaan qayb ka ahayn heshiiskan, laakiin waxaa la rajeynayaa inay wadahadal la yeelan doonto Taliban.

Madaxweynaha Afghnaistan, Ashraf Ghani, ayaa hore u sheegay in uusan u hogaansami doonin heshiis lagu siidaayo maxaabiista Taliban taas oo shuruud u ah wadahadallada tooska ah ee lala galayo kooxdaan.

Mareykanka ayaa weerarey Afghanistan usbuucyo ka dib markii Al-Qaacida weerartay New York bishii september 2001, markaas kaddib waxa uu salka dhigtay Afghanistan. wuxuuna xukunka ka tuuray dowladdii Taliban, isagoo sababta ku sheegay in dagaalyahannadu ay gabbaad siiyeen shabakadda al-Qaeda si ay u abaabulaan weerarradii Mareykanka lagu qaaday 11-kii September, laakiin waxay noqdeen xoogag muquunis ah oo ilaa iyo 2018 ka jirey in ka badan saddex-meeloodow laba meel waddanka.

In ka badan 2,400 oo ciidammada Mareykanka ah ayaa la diley tan intii uu socday khilaafkaasi.

    

Advertisement

Ku Xayeysiiso