Madaxwaynaha Shiinaha oo booqasho ku tagay Magalada Wuhan ee gobolka Hubei

Madaxweynaha dalka Shiinaha Xi Jinping ayaa maanta markii ugu horreysay tagay magaalada Wuhan  ee gobolka hubei  oo  ah halki uu kaso billowday cabuuqa dillaga ah ee korona-fayraska dabyaaqadii desember 2019

Waxaa uu halkaas kula kulmayaa shaqaalaha caafimaadka iyo saraakiisha kale ee qeybta ka ah la tacaalidda fayraskan

Dhanka kale gobolka Hubei oo ay Wuhan ka tirsan tahay ayaa billaabay adeegsiga nambar gaar ah oo loogu talagalay inuu fududeeyo sidii shaqooyinka dib loogu noqon lahaa.

Bayaan la soo dhigay shabakadda rasmiga ee dowladda Shiinaha ayaa lagu sheegay in farriintan oo loo isticmaali doono taleefoonada gacanta sido kale ay kaalin ka qaadan doonto dabagalka ku aaddan isku socodka shacabka ee gobolka dhexdiis

Boqashadan aya sare uu qaaday kobaca daqale ee suuqyada shinaha manta taasi oo kadigan in ay tahay tillabo wanagsan rajana ku bertay ganacsatada dalkasi  .

    

Advertisement

Ku Xayeysiiso