Taliyaha Ciidanka Dab-demiska Somaliland oo kulan la Qaatay Maamulka Gobolka iyo Degmada Berbera.

Taliyaha Ciidanka Dab-demiska Somaliland oo kulan la Qaatay Maamulka Gobolka iyo Degmada Berbera.

Hargeysa- 10 Rajab 1441 AH- Taliyaha Ciidanka Dab-demiska Somaliland Sareeye Guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili ayaa maanta wafti uu hogaaminayo safar shaqo ku tageen degmada Berbera, halkaas oo ay kulan kula yeesheen Badhasaabka gobolka Saaxil,duqa degmada Berbera iyo agaasimaha maamulka iyo maaliyada dawlada hoose Berbera.

Kulanka ayaa daaranaa sidii loo xoojin lahaa horumarinta iyo dhismaha ciidanka Dab-demiska Berbera oo dhawaan loo xulay xubno si rasmiya u noqon doona ciidanka Dab-demiska Berbera.

Dhanka kale Taliyaha Ciidanka ayaa kormeeray xaruna Ciidanka Dab-demiska Berbera hadda ku sii shaqayso, halkaasoo dhamaan qalabka, dhismaha iyo gaadiidkaba kormeer iyo qiimeyn ku sameeyay. Sidoo kale waxaa iyadana kormeer ciidanku ku soo maray saddex goobood oo ah nidaamka gaadiidka Ciidanka Dab-demisku biyaha uga qaataan waddooyinka ee loo yaqaano ( Fire Hydrant System ) kuwaasoo ku yaalla gudaha magaalada Berbera.

Ugu dambayn kulamadaas iyo kormeeradaas ayaa ku soo dahmaaday guul.

Xafiiska Warbaahinta Ciidanka Dab-demiska JSL
Hargeysa/Somaliland
90 Emergency Call
info@somalilandfire.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso