Madaxweyne Erdogan oo booqan doona Ruushka

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa Khamiista booqan doona Dalka Ruushka si uu madaxweyne Vladimir Putin ugala xaajoodo xiisadda sii kordheysa ee ka taagan Suuriya, waxaa sidaasi lagu sheegay war ka soo baxay xafiiska madaxweyne Erdogan.

“Madaxweynaha waxa uu booqasho hal maalin ah ku tagi doonaa Raashka, 5-ta March,” waxaa sidaas bayaan ku yiri madaxtooyada Turkiga

Dowladda Turkiga ayaa Axadii xaqiijisay inay billowday howl-gal militari oo ka dhan ah ciidamada Suuriya ee Raashka ay taageerto kadib isku dhacyo xooggan oo ka

Ankara, oo taageerta dagaal-yahanada Islaamiga ah ee gobolka, ayaa 19 askari oo Syrian ah ku dishay duqeymo ay ku fulisay diyaarado aan cidna wadin Axaddii, waxayna soo ridday laba diyaarad oo uu maamulka Syria leeyahay.

Hase yeeshee waxaa ka go’an inay ka fogaato isku dhac toos ah oo dhex mara ayada iyo Moscow, oo ay wadaagaan xiriir ganacsi iyo mid militari oo weyn.

Xiisadda hadda taagan ayaa ka dartay toddobaadkii tegay kadib markii 34 askari oo Turkish ah lagu dilay duqeymo cirka ah oo lagu eedeeyey xukuumadda Dimishiq.

Advertisement

Ku Xayeysiiso