Ka dib 18 sanno oo dagaal ah, Maraykanka iyo Daalibaan waxa ay maanta ku saxeexeen heshiis Nabadeed Oo 6 Qodoba ADoha, Qatar.

29. 02. 2020— Ka dib 18 sanno oo dagaal ah, Maraykanka iyo Daalibaan waxa ay maanta ku saxeexeen heshiis nabadeed Doha, Qatar. Qodobadda heshiiska intan baa ugu waaweyn:

1. In ciiddamada huwanta ah ee Maraykanka iyo NATO ay kaga dhamaadaan dalka Afghanistan muddo sanad iyo labba bilood ah;

2. In dawladda Afghanistan ay kala shaqayso Golaha Amaanka ee Qaramada midoobbay siddii xayiraadda looga qaadi lahaa xubnaha reer Daalibaan;

3. In Maraykanku uu ka dhimo ciidankiisa hadda ka jooga Afghanistan 8,600 oo askari muddo 135 cisho ah gudaheed;

4. In Maraykanku uu ka laabto kana waantoobo awood-u-isticmaalka ku-xadgudubka dhawrsanaanta iyo xorriyadda dalka Afghanistan;

5. In Maraykanku aanu fara-gelin arrimaha gudaha dalka Afghanistan iyo;

6. In Maraykanku uu la yimaaddo ka-go’naansho si loo raadiyo dhaqaale sannadle ah oo lagu tababaro, lagula talliyo laguna qallabeeyo ciidamada Afghanistan.

Source: Skynews.

Turjumey Abdifatah A. Ileeye

Advertisement

Ku Xayeysiiso