Sheekh Shaakir oo si kulul uga hadlay dagaalkii xalay ka dhacay Dhuusamareeb

War-Saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ah Madaxweynaha Garabka Ahlusunna ayaa waxaa lagu sheegay in Dowladu wado Abaabulka Dagaal markale Dhuusamareeb ka dhaca iyo weerar lagu beegsanayo Madaxda Ahlusunna.

Sidoo kale qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidamada Dowladda ay soo weerareen Xarunta Inji oo ay degan yihin hoggaanka Ahlusunna,sidoo kale maalmahihii la soo dhaafay ay wadeen xiisado keeni kara dagaal.

Si kastaba marka laga soo tago qoraalada is eedeynta ah ee kasoo baxay Madaxweynaha Galmudug iyo hoggaanka Ahlusunna ayaa wararka Dhuusamareeb laga helayo waxaa ay sheegayaan in dadka Shacabka ah ee deganaa Goobaha u dhow Xarumaha Maamulka galmudug iyo kuwa Hoggaanka Ahlusunna ay isaga barakaceen.

    

Advertisement

Ku Xayeysiiso