Itoobiya oo qaadacday wadahadallada lagu xallinayo muran webiga Nile

Wasiirka biyaha ee dalka Itoobiya Seleshi Bekel ayaa sheegay in dalkiisa uusan ka qeybgeli doonin wadahadallada cusub ee looga hadalayo muranka ka dhashay biyo xireenka ay Itoobiya ka dhiseyso webiga Nile.

Mareykanka ayaa martigeliyay wadahadallada u dhexeeya Masar iyo Itoobiya kaas oo lagu waday in Khamiista iyo Jimcaha lagu qabto magaalada Washington.

Haddii la dhameystiro biyo xireenka weyn ay Itoobiya ka dhiseyso webiga Nile wuxuu noqonayaa biyo xireenkii ugu weynaa Afrika ee laga dhaliyo korontada.

Waxaa arrintaas ka dhashay khilaaf ka dhexeeyo Masar , Itoobiya iyo Suudaan, taas oo horseeday in Mareykanka uu kala dab qaado.

Waxay saddexdan dal bishii lasoo dhaafay ay gaareen heshiis horudhac ah oo ku aadan biyo xireenka.
Xigasho bbc

Advertisement

Ku Xayeysiiso