Khalifa Haftar, Ayaa Axadii Sheegay Inay Dileen 16 Askari Oo Turki Ah Usbuucyadii La Soo Dhaafay,

Khalifa Haftar, ayaa axadii sheegay inay dileen 16 askari oo Turki ah usbuucyadii la soo dhaafay, maalin kadib markii Turkiga uu qirtay inay lumiyeen tiro “shahiid” intii lagu jiray dagaalladii Liibiya.
Khaled al-Mahjoub oo u Hadley hogaamiyo Haftar, wuxuu sheegay in Turki lagu dilay magaalada xeebta ah ee Misrata, dagaalo ka dhacay Tripoli, iyo magaalada Al-Falah, koonfurta caasimada.
Turkiga wuxuu taageeraa dowladda heshiiska caalamiga ah ee Liibiya laga aqoonsan yahay waxayna u dirtay dagaalyahanada Siiriya qaar ka mid ah askarteeda iyo hub si ay uga caawiyaan dowladda fadhigeedu yahay Tripoli inay kadifaacaan falaagada ku soo wajahan ay ku doonayso inay kula wareegaan magaalada caasimada Tripoli .

Advertisement

Ku Xayeysiiso