Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Maareeyaha guud ee wakaaladda Horumarinta Dhismaha Soomaaliyeed,Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac.

Kullanka oo uu goobjoog ka ahaa guddoomiyaha Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka, mudane Xassan Abshirow Maxamed ayaa lagu boggaadiyay howlaha wakaaladda Horumarinta Dhismaha Soomaaliyeed.

Wasiir Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa Maareeyaha wakaaladda horumarinta dhismaha Soomaaliyeed ku dhiirigeliyay inuu dardar geliyo shaqada uu Qaranka u haayo,isagoo uga mahadceliyay isbedelada uu sameeyay muddadii yareed ee uu xafiiska joogay.

Kullanka ayaa sidoo kale diirradda lagu saaray wada-shaqeyn dhow oo ay wakaaladdu la yeelato wasaaradda iyo guddiga.

Advertisement

Ku Xayeysiiso