Ra’iisal wasaaraha Tunisia oo ku dhawaaqay golihiisa wasiirrada

Ra’iisal Wasaaraha Dalka Tunisia Ilyaas Al-Fakh-Faakh oo markii horeba haystay mudo kooban si uu usoo dhiso xukuumad loo dhanyahay oo ay ka dhex muuqdaan xisbiga muxaafidka ah iyo dhamaan xisbiyada kale ee ka jira dalkaas ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay golihiisa cusub ee Wasiirada Dawladda Tuunis.

Xukuumadda uu soo dhisay Ra’iisal Wasaare Al-fakh-faakh waxa uu la tashi kala yeeshay Madaxweynaha dalka TunisiaQays Saciid isagoo ku wargeliyay qaabka ay noqonayso xukuumadda uu doonayo inuu soo dhiso, waxaana Madaxweyne Qays uu isaguna ku qancay xukuumadda uusoo dhisay Ilyaas Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda Tunisia.

Fakh-faakh wuxuu tilmaamay inuu waqti badan ku bixiyay dhismaha xukuumad kooban oo ku dhisan kala duwanaanta aragtida siyaasadeed ee xisbiyada dalka Tunisia, taasoo ka dhalatay sida uu sheegay wada tashiyo ballaaran oo uu la sameeyey xisbiyada mucaaradka oo uu ugu muhiimsan yahay xisbiga Al-nahda.

Hogaamiyaasha xisbiga Al-nahda iyo axsaabta kale ee Tunisia ayaa dhankooda sheegay inay soo dhoweynayaan xukuumadda uu soo dhisay Ra’iisal Wasaare Fakh-faakh iyaga oo baarlamaanka dalka u jeediyay codsi ku salaysan in ay meel mariyaan ama ansixiyaan xukuumadda cusub.

Madaxweynaha TuunisiaQays Saciid ayaa dhankiisa bogaadiyay dedaalka uu sameeyey Ra’iisal Wasaare Ilyaas Fakh-faakh wuxuuna baarlamaanka Tunisia ka dalbaday inay cod aqlabiyad ah ku meel mariyaan golaha xukuumadda cusub si loo sii anba qaado shaqada hor taalla Dawladda.

    

Advertisement

Ku Xayeysiiso