Madaxweynaha Puntland oo u safray Jabuuti

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdillaahi Deni ayaa markii ugu horeysay waxaa uu Maanta oo Talaado ah u dhoofay dalka Jabuuti tan iyo markii loo doortey Madaxweynaha Maamulkaas.

Garoonka diyaaradaha Boosaaso oo uu ka dhoofay ayaa waxaa kusii sagootiyey Xubno kamid ah Golihiisa Wasiirada iyo Saraakiil Ciidan,waxaana weli Madaxtooyada Puntland aysan faah faahin safarka uu ugu ambabaxay dalka Jabuuti Madaxweyne Deni.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Madaxweyne Deni uu martiqaad rasmi ah ka helay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle,isla markaana ay ka wada hadli doonaan Arrimo ku saabsan iskaashi Cusub oo ay yeelanayaan labada dhinac ee Jabuuti iyo Puntland.

Warar kale oo sirasmi ah aan loo xaqiijin ayaa waxaa ay sidoo kale sheegayaan in safarkaan uu ka dambeeyey kulankii dhawaan Magaalada Boosaaso uu kula qaatay Taliyaha howlgalka Mareykanka ee Afrika Janraal Townsend maadaama Taliska Africom uu ku yaallo Jabuuti macquulna ay tahay in loo soo wareejiyo dhinaca Puntland.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in inta uu ku sugan yahay Madaxweyne Deni dalka Jabuuti uu la kulmi doono saraakiil sar sare oo ka tirsan mareykanka si ay uga wada hadlaan la-dagaalanka waxa loogu yeero Argagaxisada.

Lama oga sida ay suurtagal ku noqon karto in mareykanka saldhiga uu u adeegsado howlgalkiisa Africa ee ku yaalla Jabuuti in loo soo wareejiyo Puntland,waxaana xusid mudan in saldhig uu ku tababaro Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya uu ku leeyahay Garoonka Diyaaradaha Balli-Doogle ee G/Shabeellaha Hoose.

    

Advertisement

Ku Xayeysiiso