Wada-hadalka Somaliland iyo Soomaaliya qaybtii 8aad

Wada-hadalka Somaliland iyo Soomaaliya

qaybtii 8aad

                                                                   Feb 2020

 

(Hargeysa ma iman kartaan—anaguna Muqdisho ma tegi karno ee wadan kale oo aynu ku wada hadalo waa in aynu helnaa)

 

 

 

Qaabka iyo Goobta;-

Kala duwanaanshaha Somaliland iyo Soomaaliya ee dhinaca wada hadalada ,maaha ma aha mid si yar lagu xalin karo,ee waxaa loo baahan yahay waqti  iyo juhdi aad u badan in la geliyo. Maantana aynu eegno qaar ka mid ah arimaha aad loogu kala duwan yahay,waxaana ka mid ah,goobta iyo qaabka loo wada hadlayo amase loo wada fadhiisanayo marka la wada hadlayo:-

 

Somaliland:-

 Somaliland waxay rabtaa oo ay weliba aad iyo aad ugu adag tahay in qaabka loo wada hadalyaa uu noqdo “laba dal oo siman,oo kala badax banaan.

Somaliland waxay doonayasaa in goobta lagu wada hadlayo ay ahaato, dal dhexdhexaad ah,oo aan u kala hiilin,sidoo kale waxay Somaliland doonaysaa in Dowlado iyo Ururo Caalami ah markhaati ka noqdaan wada hadalka iyo wixii lagu heshiiyaba.

 

Soomaaliya:-

Soomaaliya iyana waxay doonaysaa in loo wada hadlo,Dowlada Federaalka ah iyo Gobolada Woqooyi ee Soomaaliya.Inkastoo lagu heshiiyey Shirkii London ee ugu horeeyey ee ay ku kulmaan Somaliland iyo Soomaaliya in loo wada hadlo “Somaliland oo dhinac ah iyo Dowlada Federaalka ah oo dhinac ah,ma hirgelin heshiiskaasi,welina Dowlada Soomaaliya ,waxay taagan tahay in loo wada hadlo Dowlada Federaalka ah iyo Gobolada Wooyi ee Soomaaliya.

Soomaaliya waxay doonaysaa markasta in Goobta lagu wada hadlaya ay noqoto dalalka ay isku fiican yihiin amase Dowladaha ay Soomaaliya xidhiidhka dhow leeyihiin,sidoo kale Soomaaliya waxay jeceshahay in wada hadalka lagu qabto markhaatina ay ka noqdaan wadamada aan jeclayn in dalalku kala go,aya. .

 

Hadal iyo dhamaan Somaliland iyo Soomaaliya waa ku heshiis in ay ku soo wada hadlaan wadan kale oo aan Soomaaliya iyo Somaliland midna ahayn.

Waa ku heshiis in aan wada hadalka lagu qaban Soomaaliya iyo Somaliland midna ee ay wadan kale u dhoofaan.

 

 

 

ALLAA. M A H A D    L E H

Amb. Abdi M.Saleiman(Mingiste)

 abdi_saleiman@hotmail.com

 fb. Abdi Saleiman.

Twitter:  @_saleiman.

Skype: abdisaleiman1

 —- la soco qaybt 9aad ( Afafka amase Luqada ay ku wada hadlaan)

 

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso