Ingiriiska oo doonaya in Shiinaha uu u dhiso tareen cusub

Dowladaha Shiinaha iyo Ingiriiska ayaa yeeshay wadahadal horudhac ah oo ku aadan in xukuumadda Beijing la siiyo qandaraaska dhismaha khadka tareenka HS2 ee aadka u dheereeyo.

Inkastoo uusan jirin heshiis rasmi ah oo la gaadhay ayaa haddana shirkadda dhismaha tareenada ee dalka Shiinaha waxay sheegtay in tareenkaas ay ku dhisi karaan muddo shan sano ah, qiimaha ugu yarna uu ku kacayo.

Xildhibaan katirsan xisbiga talada haya ee Conservative-ka oo lagu magacaabo Tom Tugendhat ayaa ka digay in qandaraaska la siiyo Shiinaha, wuxuna su’aal geliyay sax ahaanshaha arrintaas.

Arrintan ayaa imaaneyso xilli ra’iisul wasaare Boris Johnson uu dhawaan meelmariyay qorshaha dib loogu dhisayo khadka tareenka ee HS2.

Dadka walaaca ka muujiyay arrintan ayaa sheegay in qarashka ku baxaya dhismaha tareenka uu aad uga badan yahay 62 bilyan ee loo qorsheeyay.

Qorshaha hadda degsan ayaa waxaa u muujinaya in tareenka lasoo gabagabeyn doona sanadka 2040-ka, balse ra’iisul wasaare Johnson ayaa doonaya in laga dhigo sanadka 2035.

Tallaaba walba oo Shiinaha loo siiyo door ay ku yeeshaan kaabayaahsa dalka Ingiriiska waxay sii murjineysaa murankii taagnaa ee ahaa in ra’iisul wasaare Johnson uu shirkadda tiknoljiyadda ee Shiinaha ee Huawei u oggolaaday in dalka Britain ay ka hirgeliso intarnetka xawaarihiisu dheereeyo ee 5G, arrintaas oo ay kasoo horjeesteen xildhibaano katirsan xisbiga talada haya iyo Mareykanka oo ay Britain xulafo yihiin.

Mr Tugendhat, guddoomiyaha guddi loo xulay arrimaha dibadda ayaa sheegay in Britain ay u hanweyn tahay in istaratejiyad cusub uu yeesho xiidhiidhka kala dhaxeeyo dalka Shiinaha.

Mr Tugendhat oo u muuqday in arrintan uusan ku faraxsaneyn ayaa waxaa uu yidhi “ma waxaan go’aansanay in aan xorriyadeena dib uga la soo laabano Midowga Yurub, haddana aan ku wareejino Shiinaha?.

Wuxuu intaa raaciyay in mashaariicda uu Shiinaha fuliyo durba la dhameystiro, sababtuan ay tahay in aan waxbadan la xeerinin oo ay kamid tahay qorsheynta iyo xuquuqda shaqaalaha ka shaqeynaya mashruuca.

Mr Tugendhat ayaa sidoo kale sheegay in uusan ku qanacsaneyn in shirkadda tiknoljiyadda ee Huawei loo oggolaado in Britain ay ka hirgeliso adeegga intarnetka ee 5G ee haatan soo baxay.

Warqda kasoo baxday shirkadda dhismaha tareenada ee Shiinaha ee uu arkay wargeyska the Financial times ayaa muujineysa in Shiinaha uu yidhi: “waxaan mashruuca ku hirgelin karnaa qiima ka yar kan hadda la sadaaaliyay in uu ku kacayo”.

Shirkadda dhismaha tareenada Shiinaha ee CRCC ayaa waxbadan ka badeshay gaadiidka dalka Shiinaha, waxaana ay dhistay inta badan khadadka tareenada Shiinaha oo xawaarahoodu aad u dheereeyo.

Dadka u dhashay dalka Ingiriiska ee taageersan mashruucan ayaa shegay in uu waxabadan ka tari doonaa mudada safarka, shaqo abuuris iyo in uu sare u qaadi doonaa dhaqaalaha dalka Ingiriiska.

Waaxda gaadiidka ee dalka UK ayaa sheegtay in marka la dhiso tareenka ay yaraan doonta wakhtiga dheer ee safarka. Tusaale ahaan Magaalooyinka London iyo Birmingham oo hadda mudada safarka uu yahay saacad iyo 21 daqiiqo ayaa haddii tareenka la dhiso waxaa uu noqon doonaa 52 daqiiqo.

Hey’addan qaabilsan gaadiidka dadweynaha ee UK ayaa sidoo kale sheegtay in marwalba ay wanaagsan tahay in khibrad laga barto kuwa kale.

    

Advertisement

Ku Xayeysiiso