UNESCO:-“Raadiyaha weli waa midka ugu awooda badan Warbahinta”

Maanta waxa ku beegan tahay maalinta caalamiga ah ee Raadiyaha aduunka. marka loo eego baaxada dadka uu gaadhi karo iyo sida lagu heli karaba Raadiyuhu weli waa midka ugu awooda badan warbaahinta sida ay sheegtay hey’adda UNESCO ee Qaramada midoobey,
Awoodani waa mid u gaar ah Idaacadaha waxayna hogaamin karaan isbedal bulsho oo ku dhisan wada hadal.

Maalinta caalamiga ah ee Raadiyaha Aduunka waxa loo asteeyay 13-ka February sanad walba markii ay isku raaceen wadamada ku jira Hey’adda UNESCO 2011-kii, waxaana aqoonsaday Golaha guud ee Qaramada Midoobey 2012-kii in maanta oo kale dunida looga dabaaldago maalinta Raadiyaha, si loo dhiiragaliyo howlwadeenada Warbaahinta, loona xoojiyo doorkooda wacyagalinta bulshada.

Xoojinta kala duwanaanta waa halku dhigga sanadkaan ee xuska maalinta caalamiga ah ee Raadiyaha Aduunka.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Antonio Gutters oo ugu hambalyeeyay idaacadaha adduunka maalinkan ayaa tilmaamay inay muhiim tahay dhiiragalinta Raadiyaha, si loo xoojiyo nabadda iyo siyaasadaha loo dhan yahay.

Advertisement

Ku Xayeysiiso