War-murtiyeed qoraal ah oo ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in Puntland aysan qayb ka noqon doonin sharciga batroolka ee uu dhowaan saxiixay madaxweyne Farmaajo

War-murtiyeed qoraal ah oo ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in Puntland aysan qayb ka noqon doonin sharciga batroolka ee uu dhowaan saxiixay madaxweyne Farmaajo.

Puntland ayaa sheegtay in sharcigaasi aysan qayb ka noqon doonin ilaa meesha laga saarayo qodobobada ka soo horjeeda dastuurka iyo hanaanka federaalka ee dalka.

” Waxaanu ku wargalinaynaa dhammaan shirkadaha caalamiga ee danaynayna maalgashiga soo saarista shidaalka Soomaaliya bad iyo berriba inay ka fogaadaan heshiis ku salaysan sharciga batroolka ee cusub ee uu saxiixay madaxweynaha Somaliya” ayaa lagu yiri war-murtiyeedka.

Qoraalka kasoo baxay madaxtooyada Puntland ayaa sidoo kale lagu sheegay inay uga digayaan shirkadaha caalamiga ah inay u hanqal taagaan khayraadka batroolka ee ceegaaga dhulkeeda iyadoo aan loo soo marin sifo sharci ah.

Puntland ayaa sidoo kale ugu baaqday maamul goboleedyada kale inay ka wada tashadaan masaalixdooda, ayna wada ilaashadaan hanaanka sharci iyo maamul ee dastuurku qeexayo.

Madaxweynaha dowladda federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay Sharciga batroolka oo ay hore u soo ansixiyeen xildhibaanada labada aqal ee barlamaanka federaalka.

Advertisement

Ku Xayeysiiso