labo kamid ah raggii loo haystay kiiskii marxuumada Caisha Ilyaas oo maanta lagu toogtay Bossaaso

Waxaa goor dhawayd Magaalada Boosaaso dil qisaas ah lagu fuliyay laba xukunsane oo horay lagu helay dilkii allaha u naxariiste   Caa’isha Ilyaas oo ahayda gabadh 12sanno jir ahayd.

Cabdifitaax Cabdiraxmaan Warsame iyo Cabdishakuur Maxamed Dige ayaa lagu fuliyay dilkani toogasho halka Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame  oo ahaa Xukmanaha saddexaad mudda 10 cisha ah dib loo dhigay kiiskiisa kadib markii uu sidaasi codsaday Ilyaas Aaden oo ah aabbaha dhalay Caa’isha..

Maxkamada Darajada Koowaad ee gobalka Nugaal ee racfaanka iyo Maxkamada sare ee Puntland ayaa dhaammaantood si iska mid ah iskugu raaceen xukun dil ah ee ragga lagu helay in ay gaysteen kufsiga Caisha Ilyaas oo ahayd gabadh yar  oo 12 jir ah taas oo ay kufsadeen raggan saakay toogashada lagu fuliyay.

Advertisement

Ku Xayeysiiso