Dowladda Kenya iyo Maraykanka oo iska kaashanaya la dagaallanka Argagixisada

Wasaaradda arrimaha dibedda ee Dalka Maraykanka ayaa sheegtay in hay’adda dambi badhista Maraykanka ee FBI iyo Dowladda Kenya ay iska kaashan doonaan dagaalka ka dhanka ah Argagixisada.

Hay’adda FBI ayaa Kenya ka caawin doonta sare u qaadidda tayada baadhitaannada iyo la dagaallanka Al-Shabaab.

Koox baadhayaal ah oo ka kooban 42 Kenyaan ah ayaa tababar ku saabsan la dagaallanka Argagixisada kusoo qaadan doona muddo 12 Todobaad ah Machadka FBI Academy Gobolka Virginia ee Dalka Maraykanka.

Kenya iyo Marayakanka ayaa leh Guddi wada jir ah oo ay shaqadoodu tahay la dagaallanka Argagixisada, kaas oo la dhisay Bishii Jannaayo ee 2019-kii markii ay Al-Shabaab weerarka ku qaadday Hotelka DusitD2 ee Magaalada Nairobi.

Advertisement

Ku Xayeysiiso