Golaha Guurtida JSL Oo ajandaha Kalfadhigoodii 71-aad Ansixiyay.

Kalfadhigii 71-aad ee Golaha Guurtida Somaliland ayaa maanta si rasmi ah u furmay iyada oo mudanayaashuna Cod gacantaag ah ku meel mariyeen wax kabedel iyo kaabis ay ku sameeyeen ajandaha kalfadhigaasi.

Fadhiga maanta ee golaha Guurtida Somlailand oo uu Shir gudoominaayey Gudoomiyaha Golahaasi Md-Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa mudanayaasha golahaasi waxay cod gacan tag ah ku ansixiyeen ajandahooda kalfadhiga 71aad oo ka koobnaa tobon qodob.

Gudoomiyaha Golaha Gurtida  Md-Saleebaan Maxamuud Aadan oo si rasmi ah ugu dhawaaqay natiijada  ayaa wax ogolaaday kaabista iyo wax ka bedelka kalfadhiga  53 mudane, waxaana ka aamusay 1,Mudane,cid diidayna ma jirin, gudoomiyuhuna ma codeyn, sidaasina waxa ku meel maray ajandaha Goluhu ku hawlgali doono.

 Gudoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha Guurtida Somaliland Siciid Jaamac Cali ayaa faahfaahin ka bixiyey qodobo ay mudanayaashu ajandahooda ku soo dareen, ka dib markii ay mudanayaashu dood ka yeesheen ajandahooda ka hor intii aan la ansixin, waxaanu gudoomiyuhu sheegay in mudanayaasha golahaasi ay dood ka yeeshaan xaalada amniga dalka oo fiican, halka uu sidoo kalena uu xusay in mudanayaasha golahaasi guurtidu ay dalbanayaan in loo yeedho masuuliyiinta wasaaradaha horumarinta Caafimaadka iyo arrimaha gudaha si ay wax uga weydiiyaan  howlaha kala duwan ee ay qaranka u hayaan mudada ay ku gudo jiraan kalfadhigooda 71aad.

    

Advertisement

Ku Xayeysiiso