Hoggaamiyihii Al-Qaaciddada ee qaabilsanaa Jaziiradda Carabta oo la dilay

Hoggaamiyihii Alqaaciddada Jaziiradda Carabta ee AQAP ,Qaasim Alrimi ayaa lagu dilay duqeyn uu Mareykanku ka fuliyay Dalka Yemen Saacadihii lasoo dhaafay.

Alrimi, oo lagu raadinayay 10 Milyan oo Doollarka Maraykanka ah, ayaa baddalay , Anwar Alcawlaqi oo isna lagu dilay duqeyn ka dhacday Dalka Yemen Sanaddii 2011-kii.

Sanadihii dambe waxaa aad loo wiiqay awoodda Ururka Argagixisada ah ee Alqaacidda, ka dib markii la laayay inta badan hoggaamiyeyaashii ugu saameynta badnaa.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso