Maxkamadda Sare ee dalka Malaawi oo wax kama jiraan ku tilmaantay doorashooyinkii ka dhacay dalkaas.

Codadkii ay dhiibteen dadka codkooda bixinaya ee ka qayb galaya doorsahada ka dhacday dalka Malawi bishii May ee ina soo dhaaftay ee madaxweynaha hadda talada haya uu ku soo laabtay xafiiska madaxtinnimo ee dalka Malawi ayaa sababtay in dalka uu ka dhaco iska hor imaad sababay in dad ay ku geeriyoodaan oo dalka Malawi ay ka dhacdo degganaansdho la’aan

Maxkamadda Destoorka dalka Malawi ayaa wax kama jiraan ku tilmaantay doorashadii muranka dhalisay ee kal hore ka dhacday dalka Malawi oo Maxkamaddu ay sheegtay in doorashadaasi aanay u dhicin sidii loogu tala galay oo ay jiraan waxa ay maxkamaddu ku tilmaantay ku shubasho ,waxayna Maxkamaddu amartay in mar kale laga qaban qaabiyo doorasho u dhacda xaq iyo xalaal.

Guddi ka kooban ilaa shan qaaddi ayay Maxkamaddu u saartay in ay ogaadaan sida ay wax u dhacayaan ,waxayna guddidaasi ay amar ku bixiyeen in mar kale doorashada la qabto muddo 150 maalmood gudahooda ama shan bilood gudahood

Maxkamadda dalka Malawi ayaa baabi’isay natiijooyinkii kal hore ka soo baxay doorashadii ka dhacday bishii May ee sanaddii 2019kii,waxayna guddidaasi ay sheegeen in qaab kale oo aan waxza la isdaba marin Karin in ay ku dhacdo doorashada dalka Malawi

Madaxweeynaha talada haya ee dalka Malawi  Peter Mutharika ayaa waxaa uu heegay in haba yeraatee aanay jirin wax ku shubasho ah

Guddiga doorashooyinka dalka Malawi ee marka la soo gaabiyo lo qoro  M.E.C AYAA SHEEGAY IN DOORASHADII HORE UU HELAY MADAXWEEYNAHA HAYA TALADA DALKA MALAWI 38 COD IYADA OO NINKII KALE EE KULA LOOLAMAYAYNA UU HELAY 35 KAAS OO AHAA MADAXWEEYNE KU XIGEENKII HORE EE DALKA MALAWI Sawloos Chilma

Doorasahadan mar kale ku celiska ah ayaa noqnaysa tii ugu horreeysay ee noooceeda ah ee ka dhacda dalka Malawi.

Advertisement

Ku Xayeysiiso