Ururka Iskaashiga Islaamka oo ka hadlaya qorshaha Trump ee Bariga Dhexe

Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa lagu wadaa inuu kulan deg deg ah ku yeesho magaalada Jeddah ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya si looga wada hadlo qorshaha madaxweynaha Mareykanka ee ku aadan Bariga Dhexe,aar ahaan Arimaha Falastiin iyo Isra’iil.

Kulanka manta oo ay ka qeybgalayaan 57-da xubnood ee ururkaasi ayaa ku yimid dalab ay soo udbiyeen hogaanka Falastiin, waxaana shirkaan uu ku soo beegmaya iyadoo laba cisho ka hor ay Jaamacadda Carabtu diiday waxa loogu yeero “heshiiskii qarniga” ee ka soo maaxday Trump,

ururka Iskaashiga Islaamka  OIC bayaan ay ku qoreen baraha bulshada,waxa ay ku sheegeen  in kulankooda “furitaanka wasiirrada Arrimaha Dibedda ay” ka wada hadli doonaan mowqifka ururka uu ka qabo hadalada ka soo yeeray maamulka Mareykanka eek u aadan qorshihiisa nabadeed “ee Bariga Dhexe,gaar ahaan Falastiin iyo Isra’iil.

Advertisement

Ku Xayeysiiso