Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) oo loo doortay Madaxweynaha Galmudug.

Xildhibaanada Baarlamanka labaad ee Galmudug  ee soo xaadiray hoolka doorashada oo tiradooda ay gaareysay 77 Xildhibaan, ayaa Axmed Cabdi Kaariye “Qoorqoor” u doortay inuu noqdo Madaxweynaha Galmudug.

Musharixiinta Afarta ahaa ee ku tartamay doorashada ayaa waxaa ay codadka u kala heleen sidan.

1: Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor) 66 Cod

2 : Axmed Cabdullaahi Samater. 9 Cod

3: Cabdiraxman Aadan Sabriye 1 Cod

4: Axmed Shire Maxamed (falagle) 1 Cod

Guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug oo natiijada ku dhawaaqay ayaa shaaciyey in xilka Madaxweynaha Galmudug uu ku guuleystay Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor).

Advertisement

Ku Xayeysiiso