Madaxweynaha Falastiin oo shaaciyay inuu xidhiidhka u Jaray Maraykanka

Mahmoud Cabbaas Abu Maazin Madaxwqeynaha Falastiin ayaa si cad u sheegay inuu xidhiihka u jaray dawladda Maraykanka, isla markaana uu ka tanaasulay dhamaan wada hadaladii uu Maraykanka kula jiray, maadaama uu ogaaday in Maraykanku uusan daacad ka ahayn arrinta Falastiin.

Cabaas ayaa hadalkaan ka sheegay shir deg deg ah oo wadamada Carabta uga furmay magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar, shirkaas oo looga arrinsanayo tallaabada Maraykanku qaaday ee ku saabsan arrimaha Falastiin.

Maxamuud Cabbaas ayaa tilmaamay inay muhiim tahay in kulamo badan la qabto si loogu wargeliyo bulshada Carabta mowqifkeena ku aadan sidii aan uga hor tagi lahayn qorshaha Mareykanka ee arrimaha Falastiin.

“Waxaan farriin u diray dhinacyada Maraykanka iyo Israell, waxaana idiin sheegayaa laga bilaabo maanta wax xidhiidh ah oo inoo dhexeeya ma jiraan, oo ay ku jiraan cilaaqaadka dhinaca nabadgelyada, maadaama Donald Trump uu dhankiisa ka baxay heshiisyadii aanu wada galnayā€¯ ayuu yidhi Maxamuud Cabbaas Madaxweynaha Falastiin.

Advertisement

Ku Xayeysiiso