Dadaalo lagu xakameynayo caabuqa Coronovirus oo ka socda Dunida oo dhan

Waxaa sare u sii kacay tirada dadka ilaa iyo hadda u dhimanaya Caabuqa Corona Virus iyo kuwa uu soo ridnayo cudurka ee ku sugan dalka Shiinaha.

Inka badan 130 qof ayaa ilaa iyo hadda u dhimatay. iyadoo tirada dadka uu saameeyayna  lagu sheegay  in ka badan 6-kun oo qof.

Shan iyo toban qof oo dheeraad ah ayaa lagu soo waramayaa in ay dhinteen, halka ugu yaraan 688 qof oo xaaladooda ay cusub tahay, sida laga soo xigtay Guddiga Caafimaadka Qaranka.

Dhimashada cusub, 24 ka mid ah ayaa ku sugnaa Hubei, oo ah gobolka xudunta u ah cudurkaan ka dillaacay dal weynaha Shiinaha, halka Shanghai lagasoo sheegayo dhimashadii ugu horeysay.

Mas’uuliyiinta caafimaadka ee Hubei waxa sheegeen  in 323 qof  oo cusub la xaqiijiyey in ay qabaan feyras-kaan, kaas oo markii ugu horreysay ka soo baxay caasimadda gobolka Wuhan, dhammaadkii December

Mas’uuliyiinta Shiinaha ayaa ilaa iyo hadda soo wariyay 6 kun  xaaladood oo dalka oo dhan ah.

Madaxweyne Xi Jinping ayaa ka digay in Shiinaha uu soo food saaro xaalad aad u xun, iyada oo masuuliyiintu u ololeenayaan inay xakameeyaan cudur-kaan loo yaqaan Coronovirus.

Hay’adaha caafimaadka ee wadanka Shiinaha ayaa lagu wadaa inay baaritaano kale ay sameeyaan iyadoo cidna aynan geli karin ama ka bixi karin 10 magaalo oo la rumeysan yahay inay arrintan si gaar ah u taabatay.

Caabuqaan ayaa sidoo kale  waxa uu galaafsaday wadamo ay ka mid yihiin Thailand, Japan, South Korea, Vietnam, the U.S., France, Taiwan, Hong Kong, Macao, Singapore, Nepal, Malaysia iyo Australia.

Advertisement

Ku Xayeysiiso