Soomaaliya oo ka qeyb gashay shirka Afrika iyo Aasiya

Shirka Asian-Afrikan Leadership Forum oo looga hadlayay xoojinta xiriirka dhaqaale ee Waddamada ku bahoobay Ururkaasi ayaa lagu soo gaba-gabeeyay Magaalada New Delhi ee Caasimadda Dalka Hinyia.

Shirkan oo ay soo qaban-qaabisay (Asiean-African Chamber of Commerce and Industry), ayaa Diiradda lagu saaray dhaq-dhaqaaqyada Suuqyada ganacsiga Warshadaha wax soo saarka kala duwan ee Waddamada ku bahoobay Ururkan.

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay isku-xirka ganacsi ee Waddamada Afrika iyo Aasiya, kala faa’iideysiga maal-gashiyada, qaabka loo xallin karo qabadaha ganacsi ee jira iyo sidii ay Labada dhinac isugu soo dhowaan lahaayee.

Safiirka Soomaaliya u jooga Hindiya, Danjire; Faadumo C/llaahi Maxamuud (Insaaniya), ayaa ka war bixisay xaaladda ganacsi ee Dalka Soomaaliya, waxayna ku dheeraatay xiriirka qotoda dheer ee ka dhexeeya Waddamada Asia iyo Soomaaliya gaar ahaan cilaaqaadka fog ee aynu la leennahay Hindiya.

Amb; Insaaniya, ayaa sidoo kale sheegtay in Soomaaliya ay yaallaan fursado badan oo xagga maag-gashiyada ah, kuwaas oo mudan in laga wada faa’iideysto, maaddaama uu kobaca dhaqaalaha ee Dalku uu yahay mid soo hagaagayo.

Waa markii ugu horreysay ee ay shirkaasi Sanadlaha ah ka qeyb-gasho Soomaaliya, waxaana si weyn loogu ammaanay doorka fir-fircoon ee ay ka qaadan karto maal-gashiyada ay Waddamada ku bahoobay Ururkani ka sameeystaan gudaha Labada Qaaradood.

Advertisement

Ku Xayeysiiso