WAR-SAXAAFADEED Ku-Xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa booqasho ku yimid Somaliland

Hargeisa, 29 January 2020 – Md. Adam Abdelmoula oo ah sarkaal sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa booqasho ku yimid Somaliland 27kii ilaa 29kii January isagoo kulano la qaatay xukuumadda kuwaas oo ku saabsan arrimaha bani’aadanimada iyo hadafyada mudnaanta u ah horumarinta Somaliland. Wuxu sidoo kale kulano la mid ah la qaatay hay’adaha aan dawliga ahayn iyo kuwa Qaramada Midoobay. Adam wuxu ka shaqayn jiray Hargeysa muddadii u dhaxaysay 1999 ilaa 2002 hase ahaatee safarkani waa kiisii ugu horreeyey tan iyo intii dhammaadkii sannadkii hore loo magacaabay Ku-Xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ahna Isu-duwaha Hay’adaha Qaramada Midoobay iyo Isu-duwaha Arrimaha Bani’aadanimo.

Md. Adam Abdelmoula madaxda sare ee dawladda ee uu la kulmay waxa ka mid ahaa Madaxweyne-Xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil “Saylici”. Md. Abdelmoula wuxu hadalkiisa awoodda ku saaray sidii wax looga qaban lahaa caqabadaha muddada dheer soo taagnaa: “Waxaynu og nahay in Somaliland iyo deegaanada ku hareeraysan ay saameeyeen abaaraha soo noqnoqday iyo barakaca bulshadu” ayuu yidhi Adam. Wuxu intaa raaciyey “Taasi maaha wax lala yaabi karo, laakiin waxa ka dhashay dhibaatooyin soo taxnaa ku dhawaad 20kii sanno ee ugu dambeeyey. Waxayna taasi innoo sheegaysaa in aynu u baahan nahay in aynu la nidaamno qaabab cusub oo aynu dhibaatooyinkaa wax kaga qabanayno.”

Kadib kulan uu Ku-Xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay la qaatay Wasiirka Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Md. Xasan Maxamed Cali “Gaafaadhi” wuxu yidhi “Waxan rajaynayaa in aan dhakhso u soo noqdo oo aan kulano iyo falanqayn intan ka qoto dheer la yeesho Xukuumadda oo aanu ka wada shaqayno arrimaha horumarinta iyadoo aanu hadda ku gudo jirno diyaarinta Hannaanka Wada-shaqaynta Qaramada Midoobay”.

Intii uu joogay Hargeysa, Md. Abdelmoula wuxu sidoo kale booqday mashaariic ay wadaan UNHCR, UNFPA iyo IOM.

-Dhammaad-

Wixii faahfaahin ah kala xidhiidh Olga Cherevko: cherevko-barrett@un.org ama Mustafe Khaire: Mustafe.khaire@one.un.org

Advertisement

Ku Xayeysiiso