Wada-hadalka Somaliland iyo Soomaaliya qaybtii 5aad

                                                                   Jan 2020

 

kala duwanaanta laba dhinac:-

 

(  Dhibaato kasta oo loo geystay Somaliland,waxa loogu geystay magaca Dowlada Soomaaliyeed. Raali gelinna waxaa ka bixin kara oo keliya Dowlad Soomaaliyeed)

 

 

Erayga raali gelin:

Erayga raali gelin waxaa looga jeedaa amase macnihiisu yahay:-

In aad ka damqato-garowdo qaladaad la galay,ha yaraadeen amase ha weynaadeene.Qaladku wuxuuu noqon karaa,mid shaqsi galay—mid ururo galeen amase Dowladi gashay intaba.

 

Yaa bixiya raali gelinta,sideena loo bixiyaa

Raali gelinta aynu halka kaga hadlaynaa waa waa raaligelinta ay Dowladuhu bixiyaan

 

Marka  la bixinayo raali gelin dhamaystiran, oo caalami ah,erayada la isticmaalo amase habka loo bixiyaa waa sida:-

waxaan ka xumahay wixii dhacay  iyo dhibaatadii ka dhalatay intii ay doonto ha  leegaatee.waxaanu qaadanay masuuliyada dhamaan wixii qasaare ka dhashay naf iyo maalba.waxaan balan qaadaynaa in aanay mardambe dhici taas kale dhinacayaga.

 

 

 

Soomaaliya:-

 

Sida aan ka helay ilawareedyo xogaag ah,Soomaaliya ma doonayso,ma rabto in ay wax raali gelin ah ka bixiso wixii loo geystay Somaliland  ee naf iyo maalba lahaa ,ee loogu geystay magac Dowladeed.Soomaaliya waxay u aragtaa wixii dhibaato loo geystay Somaliland in  ay sax ahayd in loo geysto.

 

 

Somaliland:-

 Somaliland ilaa xilligan aynu joogno oo ah 2020,mar jirto cid raali gelin ka siisay wixii loo geystay, balse maalin kasta waxaa loogu  sii daraa erayo qaldan oo ka soo yeedha dhinaca Soomaaliya.

Somaliland  way ku adag tahay in ay ilowdo dhibaatooyinkii iyo gefafkii waaweynaa ee loogu gaystay iyadoo iyadoo la  isticmaalayo magac Dowladnimo.

 

 

 

 

ALLAA. M A H A D    L E H

Amb. Abdi M.Saleiman(Mingiste)

 abdi_saleiman@hotmail.com

 fb. Abdi Saleiman

 —- la soco qaybt 6aad ( yaa odhan kara aynu midowno amase kala tagno)

Advertisement

Ku Xayeysiiso