Taliyihii qaybtii 26aad Ee dhulka la simay Hargeysa oo geeriyooday+ Xasuusta Amar qorsheysan oo uu shacbiga ku Xasuuqay

Taliyihii qaybtii 26aad Ee dhulka la simay Hargeysa oo geeriyooday+ Xasuusta Amar qorsheysan oo uu shacbiga ku Xasuuqay


Generaal Axmed Warsame Maxamed oo ahaa kamid ahaa sarkaalkii sababta u ahaa xasuuqii ugu xumaa taariikhda dhulka Soomaalida ka dhaca, ee dhulka la simay magaaladda Hargeysa ayaa maanta ku geeriyooday cusbitaal ku yaalla magaallada Islamabad ee wadanka Pakistan oo muddooyinkii u dembeeyey uu xaallad caafimaad u jiifay.
Gen. Axmed Warsame oo ahaan jiray Madaxii Kulliyadii Jaalle Siyaad waxaa loo soo bedelay inuu noqdo Taliyihii ciidankii qaybtii 26-aad ee magaalaada Hargeysa, kalabadhkii bishii lixaad ee sannadkii 1988-kii, xiligaas oo mudo labba usbuuc ah uu dagaal ka soconaayay magaalada Hargeysa, waxaana lagu bedelay Jeneraal Moorgan oo taliye ka ahaa qaybtaas 26-aad.
Jeneraal Axmed Warsame markii Hargeysa loo soo bedellayba wuxuu muddo bil ku dhow isugu keenay magaalada Hargeysa, wixii ay xoog iyo ciidan lahayd dawladii Soomaaliya, hadday Madaafiic tahay, hadday Diyaarado tahay, hadday Baabuurta Gaashaaman tahay, hadday Gantaalo tahay , iyo nooc kasta oo hub iyo ciidan wixii uu heli karaayey ah, ama Soomaali ha noqdaan ama Calooshood u shaqaystaashii Diyaaradaha wadday ha noqdaane. Waxaana maalinnimadkii 17.July.1988-kii, uu amar ku bixiyay in Magaalada Hargeysa la garaaco oo dhulka lala simo, iyadoo Cir iyo Dhul-ba laga duqaynaayo, wuxuuna dajiyay qorshe ah, in HALKII TALAABABA ama Halkii MITIR-BA uu madfac ku dhaco. Labba bilood oo xidhiidh ah ayuu Magaalada Hargeysa cir iyo dhul-ba ka duqaynaayey. Daqiiqad Kasta, Saacad Kasta, Maalin kasta, Habeen Kasta!, iyadoo aan kala joogsi lahayn. Amaradii uu bixiyay oo maanta iyagoo Fiidyow ah oo cajalad ku duuban la heli karo, waxaa ka mid ahaa, inaan cidna la dhaafin, hadday dhaawacii shicibka tahay, hadday Dumar tahay, Hadday Caruur tahay, nooc kasta oo bini aadam ah in la laayo ayuu go’aamiyay!. Isagoo tiiq-tiiqsanaaya oo ciidankiisii amar faraaya waa ninkii yidhi “Waa inaynu sifaynaa, oo Dhaq dhaqaaq xarakaad. Tuke mooyee waa in wax kale la waayaa”. Mudadaas labbada bilood ah, July ilaa September 1988, Jeneraal Axmed Warsame wuxuu magaalada Hargeysa iyo nawaaxigeeda ku dilay, shacab lagu qiyaasay ilaa sodon kun oo qof, wuxuuna ku dhaawacay dad kor u dhaafaya Konton Kun. Waxaana qaxoonti noqday oo magaalada ka qaxay guud ahaan shacabkii degenaa oo Itoobiya nafahooda ula cararay, dadkaas oo ka badnaa ilaa labba boqol iyo konton kun oo qof. Ninkii waxaas oo denbi iyo xasuuq ah geystay, wuxuu muddooyinkii u dembeeyey uu xubin ka ahaa baarlamaannadii 7aad iyo 8aad ee Federaalka Soomaaliya. Waxaase la yaab lahaa denbiyada ninkaasi geystey oo ku soo boqol jibaar maya denbiyada uu geystey Jeneraal Moorgan, inuu noqday danbiile qarsoomay oo la ilaaaway,, oo xitaa shacabkii Somaliland ee uu xusuuqa intaas leeg uu u geystay aanay badankoodu war ka hayn, iyad oo lagaba yaababa intooda badani inayna maqal magaciisa sababtuna waxa weeye, ninkaasi oo xiligii Hargeysa loo soo magacaabay uu dagaal ka socday, shacabkuna ayna war u hayn cida magaalada xukumaysa.
Sababta carrabka loogu hayo Jeneraal Moorgan waxa weeye laba sano 1986 ilaa June 1988-kii ayuu ahaa Taliyaha Qaybtii 26-aad ee Magaalada Hargeysa,markii dagaalku dhacay wax yar ka dib ayaana laga bededay, oo ninkaas Jeneral Axmed Warsame la yidhaahdo lagu soo bedelay. Sidaas aawadeed ayaa shacabka reer Hargeysa amaba reer Somaliland oo dhami u haystaan, xasuuqii weynaa iyo dumintii weyneyd ee magaalada Hargeysa inuu Jeneraal Moorgan geystey, waayo dee shacabku isagoo meesha xukuma ayaa ugu danbeysey. Cid uga warantay wixii dhacay iyo talisyada ciidanku sidii ay isu bedeleena ma jirto.

Haddal iyo dhamaan, Dawlada Soomaaliya ee Muqdisho fadhida oo ninkani intii uu noollaa dabada gelin jiray waxaa laga codsaday in isaga iyo gacan ku dhiiglayaasha kaleba Maxkamad cadaalad ah la saaro Hase yeeshee taas way ka dhego adaygtay in badan aakhirkiise caddaalladii illaahay wakaa waajahay ee isagoo dhagartii dhiiga shacbiga somaliland huwan allaystay, intaa wixii xigana arrinkiisa illaahay baynu u deynay.

W/Q: Keefkeef Hassen

Advertisement

Ku Xayeysiiso