Midowga Yurub oo qabanaya kulan lagu badbaadinaayo heshiiskii lala galay Iiraan


Wasiirrada Arrimaha Dibedda ee Midowga Yurub  ayaa u ballansan kulan deg deg ah oo iyagoo isku dayaya  inay Mareykanka iyo Iran ku soo celiyaan wadahadalada diblomaasiyadeed  ee lagu yareynayo xiisadaha dhinaca  nukliyeerka ah.

Hogaamiyaasha yurub waxay rajeynayaan inay qaboojiyaan Xiisadaha u dhexeeya Mareykanka iyo Iraan, iyagoo og in isfaham darro ka dhex dhaca labada dhinac uu sababi karo dagaal iyo xiisad colaadeed.

Wadahadalada ay manta galinka dambe yeelanayaan Yurub  ayaa la filayaa in marka hore lagu soo hadal qaado xaaladda isbedel  ee ka jirta dalka Liibiya, sida ku xusan qoraalka EU-da ka hor inta aysan u dhaqaaqin arimaha kale ee  ka muuqda dalka Ciraaq.

Haddii ay dhacdo in diyaaraddii  ku dhacday gudaha Iraan ay ka dambeeyaan dowladda dalkaasi , waxaa suurtagal ah ama ay u badan tahay in dadalada ay wadaan Yurub ay noqdaan kuwo guuldareysta,

Advertisement

Ku Xayeysiiso